CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Turkiga iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis cusub oo lagu sahminayo shidaalka berriga
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo ku saabsan sahminta shidaalka iyo gaaska dhulka berriga ah, kaas oo u oggolaanaya shirkadda TPAO in ay ka hawlgasho dhul dhan 16,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran.
Turkiga iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis cusub oo lagu sahminayo shidaalka berriga
Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar (midig), iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, Dahir Shire Mohamed (bidix), ayaa ka qaybgalay xafladda saxiixa heshiiska "Sahminta iyo soo saarista shidaalka ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya ee berriga Soomaaliya" oo ka dhacday Wasaaradda, 10 Abriil 2025. / TRT World
13 Abriil 2025

Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa ballaariyey iskaashigooda dhanka tamarta iyagoo kala saxiixday heshiis muhiim ah oo cusub oo ku saabsan sahaminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ku jira berriga. Heshiiskan wuxuu shirkadda Turkish Petroleum Corporation (TPAO) u ogolaanayaa inay ka shaqeyso saddex goobood oo ku yaal gudaha Soomaaliya, kuwaas oo baaxadoodu tahay qiyaastii 16,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran. Tani waxay calaamad u tahay wejigii labaad ee iskaashiga tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee labada dal, kadib heshiisyadii hore ee la xiriiray sahminta badda.

Heshiiskan ayaa lagu saxiixay magaalada Ankara ee dalka Türkiye, waxaana qalinka ku duugay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Türkiye, Alparslan Bayraktar, iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed. Labada wasiir ayaa sheegay in heshiiskan uu xoojinayo xiriirka labada dal islamarkaana uu gundhig u yahay iskaashi mustaqbaleed oo weyn oo ku saabsan tamarta iyo macdanta.

TPAO oo bilaabi doonta sahaminta

Wasiir Bayraktar ayaa sheegay in TPAO ay qorsheynayso inay dhowaan bilowdo hawlo sahaminta dhulka, iyadoo marka hore la sameyn doono baaritaanno seismic ah – kuwaas oo la adeegsado si loo ogaado haddii shidaal ama gaas ku jiro dhulka hoostiisa. Kadib marka xogtaas la helo, waxaa si degdeg ah loo bilaabi doonaa qodista si loo helo kheyraadka dabiiciga ah.

Heshiiskan cusub wuxuu daba socdaa heshiiskii la kala saxiixday bishii Luulyo 2024, kaas oo aas-aas u ahaa ballaarinta hawlaha shidaal baarista ee Soomaaliya. Bayraktar wuxuu sidoo kale sheegay in Turkigu uu horay u waday sahaminta badda Soomaaliya, isagoo xusay in markabka sahaminta shiidaalka ee Oruc Reis uu hadda ka shaqeynayo saddex goobood oo badda ah oo cabirkoodu yahay 15,000 km². Baaritaankaas 3D-ga ah ayaa la sheegay inuu hadda 78% dhammaystiran yahay, waxaana la filayaa in la soo gabagabeeyo bisha Maayo, si go’aan looga gaaro wajiga qodista.

Macdanta

Marka laga soo tago tamarta, labada dal ayaa sidoo kale qorsheynaya inay iskaashi ballaaran ka yeeshaan dhanka macdanta. Wasiir Bayraktar ayaa sheegay in Turkigu ay diyaar u yihiin inay bilaabaan mashaariic macdan qodis, taas oo kor u qaadaysa iskaashiga labada dal. Dhankiisa, Wasiir Daahir ayaa tilmaamay in heshiiskani yahay mid taariikhi ah oo sare u qaadaya xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo xusay in la rajeynayo in shirkado macdaneed oo Turkiga laga leeyahay ay maalgelin ku sameeyaan Soomaaliya marka la dhameystiro xeerarka sharci ee loo baahan yahay.

Ugu dambeyn, Bayraktar ayaa shaaca ka qaaday in Turkigu uu martigelin doono Shirweynaha Caalamiga ah ee Kheyraadka Dabiiciga ah, oo lagu qaban doono magaalada Istanbul 2-da Maayo, iyadoo uu hoggaaminayo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Shirkan ayaa lagu casuumi doonaa wasiirro iyo shirkado tamareed oo caalami ah si loo sii xoojiyo iskaashiyada dhanka shidaalka, gaaska dabiiciga ah iyo macdanta.

XIGASHO: TRT World iyo Wakaaladaha

Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us