Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si kulul uga hadlay xaaladda sii xumaaneysa ee dagaalka Ukraine, isagoo si toos ah u eedeeyay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, in uu gobolka u horseeday khatar cusub oo sii kordheysa.
"Putin dab ayuu ku ciyaarayaa," ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social, isaga oo ka falcelinaya weerarro gantaallo ah oo Ruushku ku qaaday magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Ukraine. Weerarradan, oo socday saddexdii habeen ee u dambeysay, ayaa sababay khasaare xooggan oo si weyn looga cambaareeyay caalamka.
Trump ayaa ku adkaystay in siyaasaddiisii diblomaasiyadeed ee waqtigii uu xilka hayay ay xakameysay xaalad aad uga xun tan hadda jirta.
"Haddii aan anigu meesha ka maqnaan lahaa, dhibaato aad u weyn ayaa horey u dhici lahayd – RUNTII mid aad u xun," ayuu yiri.
"Putin waa waalan yahay"
Hadal kale oo kulul ayuu Trump Axaddii ka yiri khudbad uu ka jeediyay xaflad dadweyne, isagoo Putin ku tilmaamay inuu “gabi ahaanba waalan yahay,” kadib weerarradii ugu dambeeyay ee Ruushku ku qaaday Ukraine.
Trump, oo marar badan ku faanay xiriir shaqsiyeed oo wanaagsan oo uu la lahaa Putin intii uu xilka hayay, ayaa u muuqday inuu ka niyad jabay tallaabooyinka cusub ee Moscow.
“Si wanaagsan ayaan ula shaqeyn jiray Putin, balse hadda waxbaa iska beddelay.” Ayuu yiri.
Dhanka Kremlin-ka, afhayeenka madaxtooyada Ruushka Dmitry Peskov ayaa si degdeg ah uga falceliyay hadalka Trump, isaga oo ku tilmaamay “hadallo caadifadeed” oo aan si dhab ah loo qaadan karin.
Horumar diblomaasiyadeed oo daciif ah
Inkasta oo weli xaaladdu cakiran tahay, haddana waxaa jiray dhaq-dhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo rajo abuuraya.
16-kii Maayo, wufuud ka kala socotay Moscow iyo Kiev ayaa markii ugu horreysay, tan iyo Maarso 2022-kii, ku kulmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Inkasta oo aan la gaarin heshiis xabbad-joojin ah, labada dhinac waxay ku heshiiyeen in muddo saddex maalmood ah lagu kala beddesho 1,000 maxbuus oo dagaalka lagu kala qabsaday.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Hakan Fidan ayaa door dhexdhexaadineed oo muhiim ah ka ciyaaray dadaalladan, taasoo muujisay doonista Ankara ee ah in ay mustqabalka dhow martigeliso wada-hadallo nabadeed oo hor leh.
Si kastaba ha ahaatee, wadahadallada qotada dheer ee nabadeed ayaa weli hakad ku jira. Dowladda Ruushka ayaa muujisay inay diyaarinayso qoraal heshiis nabadeed ah, balse dowladda Ukraine ayaa si adag u diiday dalabaadka Ruushka, kuwaasoo ay ka mid yihiin aqoonsiga dhulalka uu Ruushku qabsaday iyo ballanqaad dhexdhexaadnimo ah oo laga rabo Ukraine.
Balse arrimahan ayaa caqabad weyn ku noqday rajadii laga qabey in la gaaro heshiis nabadeed oo waara.