Turkiga wuxuu tacsi u diray dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay fatahaadaha halista ah ee ku dhuftay gobolka Niger ee Nigeria.
"Waxaan si wayn uga xunnahay dhimashada iyo burburka ay sababtay fatahaadaha ba’an ee ka dhacay deegaanka Mokwa ee gobolka Niger, Nigeria," ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay Sabtidii.
"Waxaan tacsi u direynaa qoysaska ay ka tageen dadka geeriyooday iyo dadweynaha Nigeria," ayay sii raacisay.
Tirada dhimashada ee ka dhalatay fatahaadaha daran ee ka dhacay Mokwa, oo ah deegaanka Woqooyi Bari ee gobolka Niger, ayaa gaartay in ka badan 150, sida lagu sheegay warbixin ka timid mas’uuliyiinta.
Ibrahim Hussaini, Afhayeenka Hay’adda Maareynta Degdegga ah ee Gobolka Niger (NSEMA) ayaa sheegay in 151 ruux ay ku dhimayay fatahaadaha kaddib markii ay roobab culus oo bilowday Arbacadii ay sii socdeen ilaa Khamiistii.
Wuxuu sheegay in wadar ahaan "3,018 qof la barakiciyey, 503 qoys iyo 265 guri ay masiibadu saameysay. Saddex deegaan ayaa shacabkii ku sugnaa la daad-gureeyay."
Roobabka xooggan ayaa sababay dhibaato ba’an oo keentay in la daadsho guryo iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, oo ay ku jiraan jidad iyo laba buundo.