Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Sabtidii (5-tii Abriil, 2025) magaalada Kampala kula kulmay dhiggiisa dalka Uganda, Yoweri Museveni, iyagoo ka wada xaajooday xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
"Maanta [Sabti], waxaa sharaf ii ahayd inaan martigeliyo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo halkan ku jooga booqasho rasmi ah. Waxaan ka wadahadalnay arrimaha gobolka. Si diirran ayaan u soo dhaweynayaa," ayuu Madaxweyne Museveni ku qoray bartiisa X (oo hore loo oran jiray Twitter).
Labada hoggaamiye ayaa hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo nabadda, amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Museveni iyo Maxamuud waxay sidoo kale soo dhaweeyeen bilaabidda Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Waxay ku baaqeen in la hubiyo helitaanka maalgelin ku filan, mid la sii saadaalin karo, oo joogto ah oo loogu talagalay hawlgallada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Doorka Nabad Ilaalinta ee Uganda
Hawlgallada AUSSOM, oo beddelay Hawlgalkii ku-meelgaarka ahaa ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) kaasoo lagu asaasay go'aan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa wuxuu waajibaadkiisu yahay inuu dawladda Soomaaliya ka taageero la dagaallanka Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee ka howlgala dalkaasi ee Geeska Afrika.
“Madaxda labada dal waxay adkeeyeen baahida loo qabo in si hufan loo taageero hirgelinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo tayeynta Ciidamada Ammaanka Soomaaliya,” ayaa lagu caddeeyay war-saxaafadeedka madaxtooyada.
Labada dhinac waxay beesha caalamka ugu baaqeen inay gacan ka geystaan dhismaha awoodda amni ee Soomaaliya si loo "xaqiijiyo ka bixitaan habsami leh oo AUSSOM ah, loona gogol xaaro in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto mas'uuliyadda amnigeeda."
Madaxweyne Maxamuud wuxuu sidoo kale casuumaad rasmi ah u fidiyay Madaxweyne Museveni si uu usoo booqdo Soomaaliya.
Uganda waxay ka mid tahay dalalka ciidammada ugu badan ku deeqay hawlgalka Soomaaliya, iyadoo in ka badan 4,500 oo askari ay dalka ka joogaan, waxaana sidoo kale qayb ka ah Itoobiya oo 2,500 oo askari ay uga qayb qaadanayaan hawlgalka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM).