CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Agaasimaha Guud ee TRT oo Xaqiijiyay sii socodka iftiiminta arrimaha Falastiin iyo xasuuqa Qaza
Sobacı waxa uu yidhi: “In kasta oo ay jiraan caqabado kala duwan, dhibaatooyin, iyo weerarro af iyo jidhba ah, kama tanaasuli doono iftiiminta arrimaha Falastiin iyo xasuuqa guud ee lagu hayo Qaza.”
Agaasimaha Guud ee TRT oo Xaqiijiyay sii socodka iftiiminta arrimaha Falastiin iyo xasuuqa Qaza
Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Raadiyaha iyo Telefishanka Turkiga (TRT), Mehmet Zahid Sobacı. / AA
1 Juun 2025

Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Raadiyaha iyo Telefishanka Turkiga (TRT), Mehmet Zahid Sobacı, ayaa Sabtidii xaqiijiyay inay sii wadi doonaan iftiiminta arrimaha Falastiin iyo daaha ka qaadista xasuuqa ay Israa’iil ka waddo Qaza, in kasta oo ay jiraan “isku dayo caqabad ah iyo dhibaatooyinka joogto ah”.

Taasi ayaa timid markii uu ka qayb galayay barnaamij baahin wadajir ah oo bilaabmay saacadda 12 duhurnimo oo socon doona 24 saacadood oo ka dhacaya fagaaraha Suldaan Axmed ee Istanbul, kaas oo cinwaankiisu ahaa: Do not be silent for Palestine oo ay soo qabanqaabisay Ururka Saxaafadda Turkiga, isagoo ka cabanaya xasuuqa Israa’iil ee socda ee Qaza muddo labaatan bilood ah.

Sobacı waxa uu yidhi: “In kasta oo ay jiraan caqabado kala duwan, dhibaatooyin, iyo weerarro af iyo jidhba ah, kama tanaasuli doono iftiiminta arrimaha Falastiin iyo xasuuqa guud ee lagu hayo Qaza.”

Wuxuu tilmaamay in mowqifkani uu yahay deyn iyo mas’uuliyad saaran warbaahinta Turkiga, isagoo carrabka ku adkeeyay in warbaahinta caalamku ay si cad u doonayso inay qariso dambiilaha dhabta ah, wuxuuna raaciyay: “Annaga, waxaan ka shaqayn doonaa sidii aan u daaha ka qaadi lahayn dambiilaha oo aan magaciisa si geesinimo iyo cad leh u sheegi lahayn.”

Tan iyo 7-dii Oktoobar 2023, Israa’iil waxay ka waddaa Marinka Qaza weerarro u dhigma dambiyo xasuuq guud, kuwaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca in ka badan 178,000 oo Falastiiniyiin ah, intooda badanna ay yihiin carruur iyo haween. Waxaa intaas dheer in in ka badan 11,000 oo qof la la’yahay, halka boqolaal kun oo kale ay barakaceen.

XIGASHO:TRT Arabi
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us