Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in la xirey Sareeye Guuto Salem Dagestani, oo horey u ahaa taliyihii laanta baarista ee waaxda Sirdoonka ciidanka cirka, kadib hawlgal ay fulisay Waaxda Amniga Guud ee Laadiqiyah.
Wasaaraddu waxay bayaan ay ku daabacday barteeda Telegram ku sheegtay in Dagestani uu horey u soo qabtay xilal kala duwan oo muhiim ah, sida madaxa xabsiga Sednaya iyo madaxa guddiga amniga ee gobolka Ghouta Bari, isaga oo door la taaban karo ku lahaa fulinta qorshaha dib-u-heshiisiinta ee nidaamkii hore.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in Dagestani loogu gudbiyay Xeer Ilaalinta Guud, si loo dhammeystiro tallaabooyinka sharciga ah ee la xiriira eedeymaha loo haysto.
Magaca waaxda sirdoonka cirka ee Suuriya ayaa si weyn loola xiriiriyaa caburin, jirdil, iyo xadgudubyo nidaamsan, gaar ahaan xilligii nidaamkii Bashar al-Assad.
Tan iyo markii la riday nidaamkii Bashar al-Assad bishii Diseembar ee la soo dhaafay, maamulka cusub ee Suuriya wuxuu bilaabay in uu xarumo is-dhiibis ah u furo xubnihii nidaamka hore si ay hubkooda u wareejiyaan.
Diidmada qaar ka mid ah xubnahaasi waxay sababtay iska horimaadyo kooban oo ka dhacay dhowr gobol.
Maamulka cusub ee Suuriya ayaa sidoo kale ka shaqeynaya xakameynta xaaladda amniga dalka, iyo raadinta haragga xukunkii hore ee sababa qalalaase amni, gaar ahaan gobolka Saaxil, oo ah halka ay asal ahaan kasoo jeedaan saraakiisha ugu sarreeya nidaamkii Assad iyo kooxdiisa taageersan.