Hay'adda kormeerka warbaahinta Mali ayaa sheegtay in ay dalkeeda ka mamnuuceyso kanaalka telefishinka Faransiiska ee dalak sababo la xiriira "hadallo sumcad dil ah" oo ay ka jeedisay mudaaharaad ka dhacay caasimadda horaantii bishan.
Hay'adda Sare ee Isgaarsiinta ayaa warqad ay baahisay Talaadadii ku sheegtay inay jartay calaamadda TV-ga Faransiiska ee TV5 Monde ka dib markii wariye katirsan uu sheegay in "boqolaal ciidamada ammaanka ah la abaabulay si ay uga hortagaan mudaaharaadayaasha inay galaan" Palais de la Culture intii lagu jiray mudaaharaad 3-dii May.
Maamulka ayaa sheegay in tani aysan sax ahayn oo "ciidamada sharciga iyo kala dambeynta ay joogeen Palais de la Culture si ay u sugaan mudaaharaadayaasha."
TV5 Monde kama aysan hadlin go’aankaas isla markiiba
Go’aankan ayaa ah talaabadii ugu dambeysay ee ay qaadaan mas’uuliyiinta Mali ee lagu bartilmaameedsado xarumaha warbaahinta. Calaamadaha France 24 iyo Radio France Internationale (RFI) ayaa xayiran muddo saddex sano ah.
Kanaalka telefishanka gaarka loo leeyahay ee Mali, Djoliba TV News, ayaa hawada laga saaray muddo lix bilood ah bishii Diseembar ee la soo dhaafay, ka dib dood ku saabsan su’aal laga keenayay nooca rasmiga ah ee isku daygii afgambi ee la fashiliyay ee ka dhacay dalka deriska ah ee Burkina Faso.
Si la mid ah Burkina Faso iyo Niger, Mali waxaa ka taliya maamullo militari oo xukunka la wareegay afgambiyo kadib. Xukuumadahani waxay samaysteen isbahaysi la magac baxay Isbahaysiga Dawladaha Saaxil.