Danjiraha Mareykanka ee Turkiga, Tom Barrack, ayaa sheegay in Mareykanku uu bilaabay dhimista joogitaankiisa milatari ee Suuriya, isagoo qorsheynaya in dhammaan saldhigyadiisa laga soo guuro marka laga reebo hal mid oo kaliya.
Barrack ayaa arrintan ka sheegay wareysi uu siiyay telefishinka NTV ee dalka Turkiga, fiidnimadii Isniinta.
Wuxuu intaas ku daray in dhimmista saldhigyada ay qeyb ka tahay hoos u dhigidda howlgallada ciidamada Mareykanka ee qaybta ka ah Operation Inherent Resolve (OIR) – howlgal milatari oo Mareykanku bilaabay sannadkii 2014 si loola dagaallamo kooxda Daesh.
"Waxaan ka nimid sideed saldhig, hadda waxaan joognaa shan, markaas saddex, ugu dambeynna waxaan u gudbi doonnaa hal saldhig oo kaliya," ayuu yiri Barrack.
Danjiruhu wuxuu shegay inkastoo Mareykanku uu sii yareynayo saldhigyadiisa, Suuriya ay weli wajahayso caqabado ka dhan ammaanka, gaar ahaan iyadoo hoggaan ku-meel-gaar ah uu hayo Axmed al Sharaa, oo hogaaminayay isbaheysigii meesha ka saaray madaxweynihii hore Bashaar al Asad bishii Diseembar.
Isbeddelkaas ayaa soo afjaray dagaalkii sokeeye ee 14 sano socday, balse dowladda cusub ayaa weli la tacaaleysa rabshado ku saleysan kala duwanaanshaha diimeed iyo qabiil.
Suuriya waxay ka gudbi doontaa caqabadaha
Danjire Barrack ayaa ugu baaqay dowladda cusub in ay mideyso qowmiyadaha iyo kooxaha diimeed ee dalka, isagoo xusay in nidaamka qabyaaladda uu weli xooggan yahay. “Weli waa bulsho si weyn u qabyaaladeysan. Aad bay u adag tahay in la mideeyo, laakiin waxaan filayaa in ay suurtoobeyso,” ayuu yiri.
Pentagon-ka Mareykanka ayaa bishii Abriil shaaciyay in ciidamada Mareykanka ee Suuriya laga dhimi doono kala bar, waxaana tirada askarta la gaarsiin doonaa wax ka yar 1,000. Tallaabadan ayaa lagu sababeeyay in kooxda Daesh ay haatan ku hartay kaliya "hadhaaga" oo aan u muuqan khatar weyn.
Turkiga oo cambaareeyay saldhigyada Mareykanka
Dowladda Turkiga ayaa si cad uga hor timid joogitaanka saldhigyada Mareykanka ee Suuriya, iyagoo ku eedeeyay Washington in ay taageero siiso kooxda YPG – oo ah laan ka tirsan ururka PKK ee Turkigu u aqoonsan yahay argagixiso.