SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Madaxweynaha Zambia oo cafiyey Wasiirkii hore ee difaaca oo musuqmaasuq u xirnaa
Geoffrey Bwalya Mwamba ayaa loo sii daayay sababo caafimaad awgood, iyadoo ay baraha bulshada ka jirtay dood kulul oo ku saabsan xaaladdiisa caafimaad ee xabsiga.
Madaxweynaha Zambia oo cafiyey Wasiirkii hore ee difaaca oo musuqmaasuq u xirnaa
Geoffrey Bwalya Mwamba / Others
19 Abriil 2025

Madaxweynaha Zambia Hakainde Hichilema ayaa cafis u fidiyay wasiirkii hore ee difaaca Geoffrey Bwalya Mwamba, oo si weyn loogu yaqaan GBM, kaasoo ku jiray xabsi shan sano ah sababo la xiriira musuqmaasuq.

Wasiirka Amniga Jack Mwiimbu ayaa Khamiistii weriyeyaasha u sheegay in wasiirkii hore uu bishii Febraayo codsi u gudbiyay madaxweynaha si loo sii daayo, sida ay soo werisay warbaahinta qaranka ee ZNBC.

Mwamba ayaa ka la laabtay racfaankiisii ka dhanka ahaa xukunka, taasoo qeyb ka ahayd shuruudaha lagu sii daayay, sida lagu sheegay warbixinta.

Kansar sii xumaanaya

Bishii hore, wasiirkii hore ayaa maxkamad u gudbiyay codsi ah in la sii daayo sababo caafimaad awgood, si uu daweyn ugu helo dibadda, maadaama cudurka kansarka qanjirka 'prostate' oo ka sii darayay, sida ay sheegeen wararka maxalliga ah.

Qareennadiisa ayaa laga soo xigtay in daweynta loo baahan yahay aan laga heli karin gudaha Zambia.

Mwamba wuxuu soo noqday wasiirka difaaca xilligii Madaxweyne Michael Sata oo uu xafiiska hayay intii u dhaxaysay 2011 ilaa 2013.

Sidoo kale, wuxuu ahaa musharraxa madaxweyne ku xigeen ee la tartamay Hakainde, doorashadii madaxtinimo ee 2016, inkastoo ay ku guuldarreysteen.

XIGASHO:TRT Afrika
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us