SIYAASADDA
3 daqiiqo akhris
Madaxweynaha cusub ee Muzambique oo la filayo in si rasmi ah loo caleema saaro
Madaxweynaha la doortay ee Mozambique, Daniel Chapo, ayaa lagu wadaa in xilka loo dhaariyo Arbacada, xilli ay dalka ka jiraan dibadbaxyo rabshado wata iyo mucaaradad si adag uga soo horjeedda natiijada doorashada, taasoo su'aal gelisay sharciyadda guushiisa.
Madaxweynaha cusub ee Muzambique oo la filayo in si rasmi ah loo caleema saaro
Doorashadii ka dhacday Mozambique ayaa si weyn loogu murmay, iyadoo mucaaradku ay ku eedeeyeen in lagu shubtay. / Sawirka: AP / Reuters
1 Febraayo 2025

Mucaaradka Oo Wacad Ku Maray Inay joojin doonaan caleema saarka madaxweynahaas.

Daniel Chapo ayaa xilka la wareegi doona ka dib toddobaadyo ay dalka ka taagnaayeen qalalaase siyaasadeed oo ay dad badan ku dhinteen, hase yeeshee hogaamiyaha mucaaradka, Venancio Mondlane, ayaa wacad ku maray in uu dibadbaxyo joogto ah ku curyaamin doono xukuumadda cusub.

Hogaamiyaha mucaaradka ,Mondlane ayaa horey ugu baaqay shaqo joojin qaran maalmo ka hor xafladda caleema-saarka, wuxuuna ku hanjabay inuu dibadbaxyo maalinle ah bilaabi doono si uu u cadaadiyo dowladda cusub.

Mondlane, oo 50 jir ah, ayaa ku adkeysanaya in doorashadii 9-kii Oktoobar lagu shubtay si loogu guuleysiiyo xisbiga Frelimo, kaas oo Mozambique xukumayay tan iyo markii uu ka xoroobay Portugal 1975-kii.

"Xukuumaddan ma rabto nabad," ayuu ku yiri farriin uu Talaadadii usoo dhigay Facebook, isagoo xusay in kooxdiisa warfaafinta weerar lagu qaaday xilli ay waddooyinka ku sugnaayeen.

"Waan mudaaharaadaynaa maalin kasta. Haddii ay la macno tahay in aan dalka hakino muddo xileedka oo dhan, waanu hakin doonaa."

Dhinaca kale, Chapo, oo 48 jir ah, ayaa Isniintii shacabka ugu baaqay xasillooni, isagoo sheegay:

"Waxaan sii wadi karnaa wada shaqeynta iyo mideynta dadaallada si aan u horumarino dalkeena."

Xafladda dhaarta oo aanay ka soo qeyb galin hoggaamiyeyaasha caalamka

Munaasabadda dhaarinta Chapo oo ka dhici doonta Fagaaraha Xornimada ee Maputo 15-ka bishan Janaayo sanadda 2025-ka ayaa la filayaa in ay ka maqnaadaan hoggaamiyeyaasha caalamka, taasoo loo fasiranayo in doorashadiisa aan si buuxda loo aqoonsan.

Sida uu sheegay falanqeeyaha siyaasadda iyo ammaanka Johann Smith, "Xitaa dhinaca gobolka waxaa ka jira shaki badan oo la xiriira in Chapo uu dhab ahaantii ku guuleystay doorashada."

Dowladda hore ee Portugal ayaa mataleysa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Paulo Rangel, halka Madaxweynaha Koonfur Afrika, oo daris la ah Mozambique, uusan ka qeyb galeynin xafladda dhaarta.

Falanqeeye Borges Nhamirre ayaa sheegay in xaaladda dalka ay ku xirnaan doonto sida Chapo uu uga jawaabo xiisadda taagan.

Maputo Oo Laga Dareemay Cabsi Iyo xaalad kacsan

Xilli Isniintii xildhibaanada baarlamaanka cusub la dhaarinayay, caasimadda Maputo waxay ahayd mid aad u feejigan, waddooyinka qaarna cidlo ayay noqdeen.

Dukaamo badan ayaa albaabada la isugu dhuftay – qaar cabsi darteed, halka kuwa kalena ay uga horjeedeen xafladda dhaarta. Ciidamada booliska iyo milatariga ayaa si aad ah u sugayay ammaanka, iyagoo waddooyinka waaweyn ka xannibay isu-socodka dadweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, rabshado ayaa weli laga soo wariyay gobollada Inhambane iyo Zambezia, oo dhaca waqooyiga caasimadda. Sida ay sheegtay hay’adda bulshada rayidka ah ee Plataforma Decide, ugu yaraan lix qof ayaa halkaas lagu dilay.

XIGASHO: AFP

Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us