Sababta Abaalmarinta Physics-ka ee sannadkan ay muhiim ugu tahay fahamka mustaqbalka garaadka macmalka ah (AI)
Sababta Abaalmarinta Physics-ka ee sannadkan ay muhiim ugu tahay fahamka mustaqbalka garaadka macmalka ah (AI)
Saynisyahannada John Hopfield iyo Geoffrey Hinton ayaa la sharfay sababtoo ah aas-aaska ay u dhigeen kacaanka maanta ee machine learning-ka .
28. februar 2025

Saynisyahanka Mareykanka John Hopfield iyo saaxiibkiisa u dhashay Ingiriiska-Canada Geoffrey Hinton, oo loo yaqaan ‘aabaha garaadka macmalka ah’, ayaa ku guuleystay Abaalmarinta Nobel ee Physics 2024 sababtoo ah shaqadooda aasaasiga ah ee ku saabsan Waxbaridda Mashiinada (Machine Learning)  oo ay ku taageereen shabakado neerfaha ee macmalka ah.

"Laba saynisyahan oo ku guuleystay Abaalmarinta Nobel ee Physics-ka ee sannadkan waxay ka faa'iideysteen qalabka Physics-ka si ay u horumariyaan habab saldhig u ah awoodda waxbaridda mashiinnada ee maanta," ayay ku sheegtay akadeemiyadu bartooda rasmiga ah ee X(twitter).

"Waxay na tuseen hab cusub oo aan ugu isticmaalno kombuyuutarrada si ay nooga caawiyaan oo ay noogu hagaan inaan wax ka qabanno caqabadaha badan ee bulshadeenna soo food saaray."

Akadeemiyada Boqortooyada Iswidhan ee Sayniska oo ku dhawaaqaysa abaalmarinta ayaa ammaanay labadan saynisyahan "saameynta isbedelka leh" ee ay ku yeesheen Waxbaridda Mashiinada (Machine Learning), taasoo awood siisay habka loo farsameeyo xog badan iyo go’aan qaadashada, si lamid ah sida maskaxda bani’aadamka oo kale.

Waa kuwee labadan qof ee ku guuleystay Abaalmarinta Nobel?

Prof. John Hopfield oo ah professor emiritus oo ka tirsan Jaamacadda Princeton, oo 91 jir ah, ayaa si weyn loogu yaqaanaa horumarinta Hopfield Network sannadihii 1980-meeyadii, taas oo u qaabaysay xusuusta associative iyada oo la adeegsanayo xeerarka fiisigiska. Shaqadiisa ayaa muhiim u ahayd fahamka sida shabakadaha neerfaha ah ay u matali karaan hababka xusuusta (memory) iyo barashada.

Hinton, oo ah 76 jir u dhashay Ingiriiska, waa professor emiritus oo ka tirsan Jaamacadda Toronto. Wuxuu ka tagay shirkadda Google sannadkii 2023 markii uu ogaaday in kombiyuutarradu noqon karaan kuwo ka caqli badan dadka si ka dhaqso badan intii ay isaga iyo khubarada kale ay filayaan.

Hinton, oo ah cilmibaare kombiyuutar iyo cilmi-nafsi garasho, ayaa hal-abuuray hab awood u siinaya kombiyuutarka hab si iskiis ah u heli karasifooyin xogta ku jira iyo inuu qabto hawlo sida aqoonsashada walxaha gaarka ah ee sawirrada ku jira.

“Waan la yaabay, ma filayn inay tani dhici doonto, aadna waan ula fajacay,” ayuu Hinton u sheegay wariyeyaasha, marka la weydiiyay sida uu dareemayo inuu yahay guuleyste Nobel ah.

“Tan  waxa ay la mid noqon doontaa kacdoonkii warshadaha. waxbaridda Mashiinnada(machine learning) waxay ka sarreyn doontaa dadka marka la eego awoodaha caqliga,” ayuu raaciyey.

In kasta oo uu iftiimiyay goobo badan oo ay AI iyo waxbaridda mashiinnada ka faa’iidi karaan, sida caafimaadka, kaaliyeyaasha garaadka macmalka ah(AI), iyo kordhinta wax soo saarka shaqada, wuxuu sidoo kale ku adkeeyey khatarta suurtogalka ah ee ay leedahay waxbaridda mashiinnada oo keeni karta xaalado luminta xakamaynta.

Saameynta Shaqadooda

Waxqabadka Hopfield iyo Hinton ayaa ka gudbay cilmi-baarista aragtiyeed, iyagoo u beddelaya application-no waxtar leh oo hadda saameeya nolosha maalinlaha ah.

Shabakadda Hopfield ayaa door muhiim ah ka ciyaartay muujinta sida shabakadaha neerfaha ay ula jaanqaadi karaan habka maskaxda ee habaynta iyo kaydinta macluumaadka.

Hinton wuxuu sii ballaariyey shaqadii Hopfield isagoo soo kordhiyay Boltzmann Machine, oo ah hab wax ku barta aqoonsashada sifooyinka muhiimka ah ee xogta iyadoo la adeegsanayo physics-ka tirakoobka. Mashiinkani waxaa loo tababaraaa isagoo la siinayo tusaalayaal la filayo inay soo muuqan karaan inta lagu jiro hawshiisa.

Wuxuu u kala saari karaa qaybaha sawirada ama wuxuu abuuri karaa tusaalayaal cusub oo ku saleysan tababarka uu helay, taasoo door weyn ka qaadatay horumarinta machine learning-ka. Guushan aragtiyeed ayaa dhidibbada u taagay shaqada mustaqbalka ee AI, taasoo suurta gelisay in mashiinnada ay matalaan hababka barashada iyo xusuusta.

Shaqada Hinton ee ku saabsan backpropagation waxay horumar ka sameysay habka tababarka shabakadaha neerfaha, iyadoo u oggolaanaysa nidaamyadan inay wax ka bartaan khaladaadkooda oo ay is horumariyaan.

Habkan waa mid muhiim u ah hawlgalka nidaamyada barashada qotada dheer(deep learning) ee manta, kuwaas oo ah laf-dhabarta tignoolajiyada sida aqoonsiga codka, aragga kombiyuutarka, iyo habka habaynta luqadda dabiiciga ah.

Iyadoo aan la adeegsan backpropagation, shabakadaha neerfaha ah waxay dhibaato ku ahaan lahayd inay horumariyaan saxnimada iyo kakanaanta, taasoo wiiqi lahayd awooddooda inay qabtaan hawlaha casriga ah ee ay hadda awoodaan.

Laga soo bilaabo nidaamyada aqoonsiga codka ilaa qalabka caafimaadka ee baaritaannada, horumarkooda ayaa ah laf-dhabarta kacaanka AI-ga.

Guddiga Nobel-ka ayaa carabka ku adkeeyey sida shaqadooda ay u suurta gelisay in AI-gu u kala soocdo oo u falanqeeyo xogaha waaweyn si hufan oo ka faa’iido badan dhammaan waaxyaha kala duwan.

“Waxbaridda mashiinnada oo ku saleysan shabakadaha neerfaha macmalka ah hadda waxay kacaan ku sameyneysaa sayniska, injineernimada, iyo nolosha maalinlaha ah,” ayaa lagu sheegay bayaanka guddiga.

Walaacyada Caalamiga ah

Guddigu wuxuu sidoo kale aqoonsaday walaacyada baahsan ee caalamka ka jira ee ku saabsan machine learning iyo garaadka macmalka ah(AI).

“In kasta oo waxbaridda mashiinka ay leedahay faa'iidooyin aad u weyn, horumarkeeda degdega ah ayaa sidoo kale kor u qaaday welwelka ku saabsan mustaqbalkeenna." ayay tiri Ellen Moons , oo madax u ah guddiga Nobel ee Physics.

"Si wada jir ah, bini'aadanku waxa ay qaadaan mas'uuliyadda isticmaalka tignoolajiyadan cusub si ammaan ah oo anshax leh oo faa'iidada ugu weyn ee aadanaha," ayay raacisay .

Hinton ayaa hore u qaaday tillaabo ku saabsan walaacyadan, isaga oo iska casilay xilkii uu ka hayay Google si uu si cad ugala hadlo khatarta la xiriirta tignoolajiyada uu ka qayb qaatay horumarinta.

Wuxuu muujiyay walaaciisa sii socda ee ku saabsan “saamaynta xun ee suurtagalka ah” ee ka dhalan karta shaqadiisa ku saabsan waxbaridda mashiinnada, “gaar ahaan khatarta ah in waxyaabahani ay xakamaynta ka baxaan.”

Walaacaasi ka sokow, waxa uu xusay in uu weli qaadan doono go’aamo la mid ah mar kale.

Abaalmarinta Nobel-ka, oo si weyn loogu tixgaliyo inay tahay sharafta ugu sarraysa ee lagu bixiyo cilmiga Physics-ka caalamka, waxaa lagu aasaasay rabitaanka Alfred Nobel, iyadoo lagu dabaqi karo guulaha lagu gaaro cilmiga, suugaanta, caafimaadka, iyo nabadda.

Abaalmarinta ayaa waxaa la socota lacag abaalmarin ah oo dhan 1.1 milyan oo doolar, oo ay wadaagaan laba qof oo ku guuleystay.

Physics waa abaalmarinta labaad ee Nobel ee la bixiyo toddobaadkan, waxaana ka horreeyay abaalmarinta caafimaadka oo ay ku guuleysteen saynisyahannada Mareykanka Victor Ambros iyo Gary Ruvkun, kuwaasoo ogaaday microRNA iyo doorka ay ku leedahay xakamaynta hiddo-sideyaasha, taasoo iftiimisay sida unugyadu u takhasusaan.

XIGASHO: TRTWorld iyo wakaalado kale

Ka fiirsada TRT Global. La wadaag ra'yigaaga!
Contact us