Rwanda ayaa oggolaatay inay u fasaxdo ciidamadii uu geeyay urur goboleedka Koonfurta Afrika si ay ula dagaallamaan fallaagadda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, inay ka baxaan magaalada Goma, oo ay kooxda hayso, iyagoo sii maraya dhulkeeda kuna sii jeeda Tanzania, sida ay sheegeen saddex ilo diblomaasiyadeed Jimcihii.
Ururka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) oo ka kooban 16 dal ayaa bartamihii Maarso sheegay in uu joojiyay hawlgalkiisi uu ka hayay Congo, islamarkaana uu bilaabi doono ka bixitaanka ciidamadiisa, ee loo yaqaan SAMIDRC.
Saddexda diblomaasiyiin, oo aqoon u leh wadahadallada socda ee u dhexeeya Rwanda iyo SADC, ayaa xaqiijiyay in Rwanda ay aqbashay codsi ah in ciidamada ururku ay dhulka dalkaas sii maraan, sida ay u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Laba ka mid ah diblomaasiyiinta ayaa intaa ku daray in lagu wargeliyey in hubka ciidamada gobolka la shaabadeyn doono sababo amni awgood, balse uu ka bixi doono dhulka Rwanda isagoo ay la socdaan ciidamada.
SADC iyo afhayeenada dowladaha Congo iyo Rwanda kama aysan jawaabin codsiyadii warbaahinta ee ku saabsan arrintan.
Janaraal Rudzani Maphwanya, oo ah taliyaha Ciidamada Qaranka ee Koonfur Afrika, ayaa Khamiistii u sheegay telefishanka Qaranka ee Koonfur Afrika (SABC) in kooxo farsamo ay ku sugan yihiin Tanzania, iyagoo ka shaqeynaya faahfaahinta ugu dambeysa ee ka bixitaanka ciidamadooda.
SAMIDRC waxaa horay halkaasi loogu diray si ay uga caawiso dagaalka ay dowladda Kinshasa kula jirto kooxaha jabhadda ee ku sugan xuduudaha bariga Congo, halkaas oo dagaallo culus ay ka socdeen tan iyo bisha Diseembar 2023.
M23 iyo asalka colaadda
Kooxda M23 ayaa qabsatay labada magaalo ee ugu waaweyn bariga Congo tan iyo Janaayo, taasoo keentay kororka colaadda muddo dheer soo jiitamaysay, oo salka ku haysa fiditaanka xasuuqii Rwanda ee 1994 iyo loolanka loogu jiro gacan ku haynta kheyraadka macdanta ballaaran ee Congo.