Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u muuqday inuu sii hurinaya wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Joe Biden laga helay cudurka kansarka, isagoo sheegay in uu la yaabay in shacabka aan horay loogu sheegin.
"Waxaan la yaabay in dadwaynaha aan la ogeysiin waqti dheer ka hor," ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta Isniintii, isagoo sheegay in inta badan ay qaadato "waqti dheer" si loo gaaro heerka khatarta ah ee kansarka qanjirka 'prostate' ee xafiiska Biden uu ku dhawaaqay Axadii.
Xafiiska Biden ayaa shaaca ka qaaday Axadii in laga helay kansarka qanjirka ragga kaasoo ku faafay lafihiisa.
"Toddobaadkii hore, Madaxweyne Joe Biden waxaa lagu arkay baadhitaan cusub oo qanjirka 'prostate nodule' ka dib markii uu la kulmay calaamadaha ka sii daraaya kaadi-mareenka," ayuu yiri xafiisku, isaga oo intaa ku daray in cudurka "uu ku sifoobay Gleason score 9" oo leh" faafitaan lafaha."
Xafiisku ayaa sido kale sheegay in madaxwaynihii hore ee 82-jirka ah iyo qoyskiisu ay haatan dib u eegayaan xulashooyinka daawaynta ee kooxdiisa caafimaadka.
"Waa xaalad aad iyo aad u murugo leh. Aad ayaan uga xumahay," ayuu yiri Trump.