Inta u dhaxaysa 60,000 ilaa 80,000 oo qoys ama qiyaastii 400,000 oo qof ayaa ka barakacay xerada Zamzam ee ku taalla gobolka Waqooyiga Darfur ee Suudaan, kadib markii ay la wareegeen Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), sida ay sheegtay Hay'adda Socdaalka Caalamiga ah (IOM) ee Qaramada Midoobay.
Qaramada Midoobay ayaa ku dartay in tirokoobyo hordhac ah oo laga helay ilo maxalli ah ay muujinayaan in in ka badan 300 oo rayid ah lagu dilay dagaalladii Jimcihii iyo Sabtidii ka dhacay agagaarka xeryaha barakaca ee Zamzam iyo Abu Shouk iyo magaalada Al Fasher ee Waqooyiga Darfur.
Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa 10 shaqaale bani'aadamnimo oo ka tirsan hey’adda Relief International, kuwaas oo la dilay iyagoo ku shaqeynayay mid ka mid ah xarumihii caafimaad ee ugu dambeeyay ee ka shaqeynayay xerada Zamzam.
Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa muddo dheer ka digayay suurtagalnimada xasuuq haddii RSF ay ku guuleysato go'doomintooda bilooyinka socotay ee xerada ay abaaruhu saameeyeen, oo deris la ah saldhigga keliya ee ciidamada dowladda ku hareen gobolka Darfur, magaalada Al Fasher.
Sawirro dayax-gacmeed laga helay shirkadda Maxar Technologies ayaa muujinayey dhismayaal gubanaya iyo qiiq ka baxaya xerada Zamzam Jimcihii, oo la mid ah weerarradii hore ee RSF ay qaaday.
RSF ayaa beenisay eedeymahaas, waxayna sheegtay in xerada Zamzam loo adeegsanayay saldhig ay leeyihiin kooxo la safan ciidamada dowladda.
Colaadda gudaha ee Suudaan
Bilowgii dagaalka, xerada waxaa ku noolaa qiyaastii nus milyan qof, tiro hadda la rumeysan yahay inay labanlaabantay.
Muuqaal ay faafiyeen Ciidamada Taageerada Degdegga ah waxaa lagu arkay taliye kuxigeenka RSF Cabdiraxiim Dagalo oo la hadlaya koox yar oo barakacayaal ah, isagoo u ballanqaaday cunto, biyo, daryeel caafimaad iyo inay dib ugu noqdaan guryahoodii.
RSF waxay dardar gelisay weerarkeeda xerada kadib markii ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen gacan ku haynta caasimadda Khartoum, taasoo sii adkeysay dib u qabsashada dowladda ee bartamaha dalka.
RSF waxay sidoo kale dardar gelisay weerarrada ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadayso goobaha ay maamulaan ciidamada dowladda, oo uu ku jiro weerar lagu qaaday xarunta korontada ee magaalada Atbara ee waqooyiga dalka Isniintii, sida ay sheegtay shirkadda korontada qaranka.
Weerarkaasi wuxuu sababay in korontada laga jaro magaalada Port Sudan oo hadda noqotay caasimadda ku-meel-gaarka ah ee dowladda dagaalku saameeyay.
Dagaalka Suudaan ayaa qarxay bishii Abriil 2023, waxaana kiciyay loolan awoodeed oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo RSF, kaasoo burburiyay rajadii laga qabay in u dalkaasi u guuro xukun rayid ah.
Khilaafkan ayaa tan iyo markaas barakiciyay malaayiin qof, wuxuu burburiyay qaybo badan oo dalka ka mid ah, waxuuna horseeday macluul baahsan oo ku faaftay goobo kala duwan oo dalkaasi ah.