CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Booliska DR Congo oo baaray guryaha madaxweynihii hore Joseph Kabila – Qoyska
Baarayaasha ayaa sheegay inay raadinayeen qalab ciidan oo "la xaday ama la qariyay," balse waxba lagama helin, sida uu sheegay afhayeenka qoyska Joseph Kabila.
Booliska DR Congo oo baaray guryaha madaxweynihii hore Joseph Kabila – Qoyska
President Felix Tshisekedi and Kabila formed a power-sharing deal following Congo's disputed 2018 election. / Reuters
9 saacadood ka hor

Hay’adaha amniga ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa baaray guryo uu leeyahay madaxweynihii hore Joseph Kabila, kaasoo sheegay inuu dalka ku soo laaban doono isagoo soo maraya gobolka bari, sida uu Khamiistii sheegay afhayeenka qoyska Kabila.

Madaxweynaha hadda talada haya, Félix Tshisekedi, ayaa ku eedeeyay Kabila inuu diyaarinayo “kacdoon” isla markaana uu taageerayo isbahaysi ay ku jirto kooxda hubeysan ee M23, oo haatan la dagaallamaysa ciidamada dowladda bariga DRC.

Hay’adaha amniga waxay u sheegeen maamulaha guriga ugu weyn ee Kabila, oo ku yaal beerta Kingakati, qiyaastii 80 kiiloomitir bari kaga beegan Kinshasa, in “baaritaan la qorsheeyay,” sida uu sheegay Adam Shemisi, afhayeenka xaaska Kabila, Marie-Olive Lembe Kabila.

Sidoo kale, hay’adaha amniga waxay baaritaanno ka sameeyeen dhisme qoyska Kabila leeyahay oo ku yaal Kinshasa, ayuu raaciyay afhayeenku.

Qalab Militari

Sida uu sheegay Shemisi, baarayaashu waxay sheegeen inay raadinayeen qalab militari oo “la xaday ama la qariyay,” balse waxba lagama helin.

Kabila wuxuu madaxweyne ahaa muddo 18 sano ah, ilaa uu xilka ka degay 2019-kii mudaharaadyo ballaaran kaddib .

Afhayeenku wuxuu sheegay in Kabila, oo 53 jir ah, uu ka tagay DRC ka hor doorashadii ugu dambaysay ee madaxtinimo ee 2023.

Laakiin toddobaadkii hore, farriin ay soo saareen shaqaalihiisu, ayaa wuxuu Kabila ku sheegay inuu dhawaan dalka ku soo laaban doono isagoo soo maraya gobolka bari, sababtoo ah dalka wuxuu ku jiraa "halis."

Taariikh lama sheegin

Si kastaba ha ahaatee, lama sheegin taariikh rasmi ah oo uu ku soo laabanayo, mana cadda inuu soo mari doono dhul ay hadda maamusho M23.

Kooxda hubeysan ee M23 ayaa ah udub dhexaadka colaad cusub oo ka socota bariga DRC, iyagoo qabsaday magaalooyin muhiim ah sida Goma iyo Bukavu.

Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay iyo dhowr dowladood oo caalami ah ayaa sheegay in M23 ay taageerto Rwanda, inkasta oo Kigali ay beenisay eedeymahaas.

XIGASHO:AFP
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us