TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Erdogan iyo Xasan Sh. oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga amniga iyo tamarta
Labada hoggaamiye ayaa si gaar ah diiradda u saaray kor u qaadista iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, tamarta, kalluumeysiga iyo mashaariicda horumarineed ee ay Turkigu ka fulinayaan gudaha Soomaaliya.
Erdogan iyo Xasan Sh. oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga amniga iyo tamarta
President Erdogan stresses Türkiye's support to Somalia in phone call with President Mohamud. / AA
1 Juun 2025

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheegay bayaan ay si kala gooni ah u faafiyeen labada dowladood.

Madaxweyne Erdogan ayaa mar kale carrabka ku adkeeyay in Turkiga uu sii wadi doono taageerada buuxda ee uu siiyo Soomaaliya, isaga oo xusay in Ankara ay mudnaanta siinayso horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta nabadgelyada.

Wuxuu si gaar ah u muujiyay sida ay muhiimka u tahay iskaashiga dhinacyada tamarta iyo kalluumeysiga, isaga oo ku tilmaamay mid rajo wanaagsan leh.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay dowladda iyo shacabka Turkiga guulaha ay ka gaareen dadaallada nabadda. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay doorka firfircoon ee Turkigu ka ciyaaray taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Xaaladda gobolka iyo arrimaha caalamiga ah

Wada hadallada labada Madaxweyne ayaa sidoo kale taabtay arrimo gobolka iyo kuwo caalami ah, oo ay kamid yihiin dadaallada socda ee lagu xallinayo khilaafka Ruushka iyo Ukraine. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu sii wadi doono ka shaqeynta in labada dhinac lagu isu keeno miiska wadahadalka, gaar ahaan magaalada Istanbul.

Sidoo kale, Erdogan ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Bulgaria Rumen Radev, isagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka difaaca iyo tamarta. Wuxuu sheegay in xiriirka Ankara iyo Soofiya uu marayo heer horumar leh, isla markaana dadaallo lagu bixinayo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashigaas.

XIGASHO:TRT World and Agencies
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us