Madaxweyne Felix Tshisekedi ayaa xukunnadii dilka ahaa ee lagu riday saddex Maraykan ah u beddelay xabsi daa’in, kuwaas oo ku lug lahaa wax uu ciidanku ku tilmaamay isku day afgambi oo fashilmay oo ka dhacay DR Congo sannadkii hore, sida lagu sheegay war la soo saaray.
Marcel Malanga, Tyler Thompson iyo Benjamin Zalman-Polun ayaa lagu hayaa xabsi militari oo ku yaalla caasimadda Kinshasa.
Saddexdan Maraykan, oo da'doodu u dhaxayso 23 iyo 37 sano, waxay ka mid ahaayeen 37 qof oo lagu xukumay dilka isku daygii afgambi ee la sheegay inuu dhacay bishii May keddib, kaasoo rag hubaysan ay weerareen guriga wasiirka ka hor intaanay u dhaqaaqin xafiisyada madaxtooyada.
Go'aanka lagu khafiifinayo xukunkooda ayaa laga akhriyay telefishanka qaranka habeenimadii xalay.
Richard Bondo, oo ah qareenka Zalman-Polun, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP inay ku faraxsan yihiin go'aanka madaxweynaha.
Saddexda Maraykan hadda waxay leeyihiin "xuquuq ay ku rajaynayaan sii deyn rasmi ah ka dib cafis guud oo xukunka ah taasoo sidoo kale ka mid ah hababka lagu dabaqo cafiska madaxweynaha ee uu qeexayo dastuurka" Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayuu yiri.
Isku daygii afgambi ee la sheegay wuxuu billowday aroornimadii hore ee 19-kii May sannadkii hore markaas oo dhowr iyo toban nin oo hubaysan ay weerareen guriga wasiirkii dhaqaalaha ee xilligaas Vital Kamerhe, kaasoo hadda ah guddoomiyaha golaha qaranka.
Ragga hubaysan ayaa kadib aaday dhisme ay ku yaallaan xafiisyada Tshisekedi iyagoo lulayay calanka Zaire, oo ahaa magaca dalka xilligii kaligii-taliyihii hore ee Mobutu Sese Seko, kaasoo la afgambiyay 1997-dii.
Rasaas ayaa laga maqlay agagaarka dhismaha, sida ay sheegeen ilo kala duwan xilligaas.
Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa markii dambe ka sheegay telefishanka qaranka in ciidamada difaaca iyo ammaanku ay joojiyeen "isku day afgambi".
Shirqoolka la sheegay waxaa hoggaaminayay Christian Malanga, oo ahaa nin Congo u dhashay oo qaatay "dhalashada Maraykanka" kaasoo ay dileen ciidamada ammaanka, sida uu sheegay afhayeenka ciidanka General Sylvain Ekenge.
Wuxuu ahaa aabaha Marcel Malanga.
Bishii Maarso ee sannadkii hore, dowladda DRC waxay qaadday xayiraaddii saarnayd xukunka dilka taasoo dhaqan gal ahayd tan iyo 2003-dii.
Waxay sheegtay in tallaabadan looga gol lahaa in lagu beegsado askarta lagu eedeeyay khiyaano qaran, iyadoo dalku uu wajahayo kacdoon hubaysan oo ka socda bariga dalka ee dhibaataysan.
Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhaliilay go'aanka.
Tan iyo markaas, in ka badan qiyaastii 100 xukun oo dil ah ayaa la riday balse ilaa hadda midna lama fulin