CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Aljeeriya oo hawadeeda ka xiratay Maali: Muran ka dhashay soo ridista diyaaraddii drone-ka
Aljeeriya ayaa sheegtay inay ka xun tahay "inay ku qasbanaatay qaadista tallaabo isku mid ah oo jawaab celin ah" kadib markii Maali, Nayjar iyo Burkina Faso ay dib ugu yeerteen safiirradoodii fadhiyay Algiers.
Aljeeriya oo hawadeeda ka xiratay Maali: Muran ka dhashay soo ridista diyaaraddii drone-ka
Xiritaanka hawada Aljeeriya ee Maali oo ku soo beegantay khilaaf ka dhashay soo ridista la sheegay ee diyaarad drone ah. Sawirka: Reuters / Reuters
9 Abriil 2025

Dowladda Aljeeriya ayaa gebi ahaanba hawadeeda ka xiratay diyaaradaha ka imaanaya ama ku wajahan dalka Maali, waxayna sidoo kale dib ugu yeeratay safiirkeedii Mali, iyadoo ay xiisad diblomaasiyadeed oo qoto dheer ka dhalatay eedeymo ku saabsan soo ridista diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka ah oo laga leeyahay dalkaas deriska la ah ee Maali.

"Iyadoo laga duulayo xadgudubyo isdaba joog ah oo dhanka hawadeena ah oo ay ku kacday dowladda Maali, Dowladda Aljeeriya waxay go'aansatay inay gebi ahaanba xirto duulimaadyada hawada ee ka imaanaya ama ku jeeda dalka Maali, laga billaabo maanta [Isniin]," ayay tiri Wasaaradda Gaashaandhigga Aljeeriya Isniintii.

Aljeeriyaa waxay sidoo kale dib ugu yeeratay safiirkeedii fadhiyay dalka Nayjar, taasoo ahayd tallaabo jawaab celin ah oo ka dambeysay kadib markii labadaas dal iyo dalka Burkina Faso ay si wadajir ah Axaddii dib ugu yeerteen danjirayaashoodii ka hawlgalayay caasimadda Aljeeriya, sabab la xiriirta soo ridista la sheegay ee diyaaradda Drone-ka.

Saddexdan dal ee xulafada ah, ee ay ka taliyaan xukuumado militari, ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay dib u yeerista safiirradooda maalintii Axadda. Dowladda Maali waxay ku eedeysay Aljeeriya inay toddobaadkii hore soo ridday mid ka mid ah diyaaradaheeda Drone-ka ah xilli ay dul heehaabaysay hawadeeda, eedeymo ay Aljeeriya si adag u beenisay.

Waqooyiga Maali waxay xad ballaaran la wadaagaan dalka Aljeeriya, waana deegaan ay ka socdaan kacdoonno ay wadaan kooxo gooni-u-goosad ah, iyadoo ay sidoo kale weerarrada argagixisadu ay si joogto ah dhibaato ugu hayaan guud ahaan dalkaas.

‘Eedeymo aan sal iyo raad lahayn’

Dowladda Aljeeriya waxay maalintii Isniinta sheegtay inay si weyn uga xun tahay "inay ku qasbanaatay inay qaaddo tallaabo isku mid ah oo jawaab celin ah" kadib tallaabada ay isku mar qaadeen saddexdaas dal ee deriska la ah.

Iyadoo qayb ka ah tallaabooyinka ay qaadday, safiirka cusub ee Aljeeriya u magacawday dalka Burkina Faso ayaa dib loo dhigi doonaa waqtiga uu xilkiisa la wareegi lahaa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya.

"Eedeymahan aan salka lahayn," ee gaar ahaan ka imaanaya dowladda Maali, "waxay si aan qarsoodi lahayn u muujinayaan oo keliya marmarsiinyooyin iyo isku dayo lagu qarinayo fashilka baahsan ee ku yimid mashruuc afgembi, kaasoo dalka Maali geliyay wareeg silsilad ah oo amni darro baahsan, xasilooni la'aan joogto ah, dhibaato daran iyo faqri ba'an," ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Aljeeriya.

Dowladda Aljeeriya waxay 1-dii bishan Abriil shaaca ka qaaday inay hawadeeda ku soo ridday diyaarad nooca Drone-ka ah oo hubeysan kuna howlanayd basaasnimo, iyadoon wax faahfaahin dheeraad ah ka bixin dhacdadaas.

Dalalka Nayjar, Burkina Faso iyo Maali waxay samaysteen isutag u gaar ah oo ay ugu magac dareen Isbahaysiga Dowladaha Saaxil (AES), kaasoo markii hore la asaasay isagoo ah heshiis is-difaac sannadkii 2023-kii.

XIGASHO:AFP
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us