SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Xiisad Diblomaasiyadeed oo dhex aloosan DR Congo iyo Belgium Kaddib Xukun dil ah oo lagu riday muwaadin Biljim ah
Dowladda Belgium ayaa u yeertay safiirkeeda u fadhiya Kinshasa si wadatashi loola sameeyo kadib markii ay xumaatay xiisadda diblomaasiyadeed ee kala dhaxeysa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC).
Xiisad Diblomaasiyadeed oo dhex aloosan DR Congo iyo Belgium Kaddib Xukun dil ah oo lagu riday muwaadin Biljim ah
Wondo wuxuu ka mid yahay 37 eedeysane oo loo haysto abaabulka afgambi dhicisoobay oo la isku dayay sanadkii tagey ee 2023. /Sawirka: AFP
1 Febraayo 2025

Murankan ayaa ka dhashay markii maxkamad milatari oo ku taalla Kinshasa ay qalinka ku duugtay xukun dil ah oo horey loogu riday Jean-Jacques Wondo, oo ah khabiir milatari oo haysta dhalashooyinka Belgium iyo DRC, sida uu sheegay qareenkiisa maalinimadii Isniinta.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Belgium, Dowladda Belgium ayaa Isniintii ku dhawaaqday in safiirkeeda Kinshasa ay si degdeg ah ugu yeertay wadatashi awgiis, sidoo kalena ay u yeertay safiirka DRC ee Brussels si ay ugu muujiyaan "niyad-jabka ay ka qabaan xukunkaasi".

"Xukunkan dilka ah ee lagu riday muwaadinkeena lama fududeyn karo, maadaama ay jiraan daldaloolo badan oo ku jira caddeymaha la horkeenay maxkamadda, sidoo kalena waa in la helo marqaatiyaal la isku halleyn karo," ayaa lagu yiri bayaanka.

Jean-Jacques Wondo wuxuu ka mid yahay 37 eedeysane oo loo haysto abaabulka afgambi dhicisoobay oo la isku dayay sanadkii tagey ee 2023.

Eedeysanayaashan, oo ay ku jiraan saddex muwaadin oo Mareykan ah, ayaa bishii Sebtember 2024 waxaa dil ku xukuntay maxkamadda milatariga Kinshasa, iyadoo lagu helay danbiyo ay ka mid yihiin ku lug lahaanshaha fal-dambiyeedyo iyo argagixisanimo.

XIGASHO:AA
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us