Dibad-baxyo looga soo horjeedo dowladda ayaa dhawaan lagu qabtay caasimadda Tripoli/Reuters
Midowga Afrika ayaa Sabtidii ku baaqay in xabbad-joojin waarta laga gaaro Liibiya ka dib dagaallo dhimasho leh oo horaantii bishan ka dhacay caasimadda iyo bannaanbaxyo lagu dalbanayay inuu ra'iisul wasaaraha iscasilo.
Dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka ay colaaduhu aafeeyeen ee Waqooyiga Afrika ayaa waxaa ku dagaalamay koox hubeysan oo la safan dowladda fadhigeedu yahay Tripoli iyo kooxo ay dooneysay in ay burburiso, taasoo keentay dhimashada ugu yaraan siddeed qof, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.
In kasta oo aysan jirin xabbad joojin rasmi ah, iskahorimaadyada ayaa inta badan dhammaaday todobaadkii hore, iyadoo Wasaaradda Gaashaandhigga Liibiya ay sheegtay toddobaadkan in dadaallada loogu jiro in heshiis la gaaro xabbad-joojinta ay "socodaan".
Sabtidii, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa cambaareeyay rabshadihii dhowaan dhacay, isagoo ku baaqay in la helo "Xabbad joojin aan shuruud lahayn oo joogto ah".
'Faragelin la’aan'
Bayaan uu soo dhigay X, goluhu wuxuu ku booriyay "dib u heshiisiin loo dhan yahay, oo ay Liibiya hogaamiso", isaga oo intaa ku daray in "ay codsanayso inaan faragelin dibadeed lagu sameynin".
Liibiya waxa u kala qaybsan dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Tripoli, ee uu hoggaamiyo Ra’iisal-wasaare Abdulhamid Dbeibah, iyo maamul kale oo ka soo horjeeda oo ka jira bariga dalka.
Wadanku waxa uu ahaa mid aad u kala qaybsan tan iyo markii ay dhaceen kacdoonkii 2011-kii ay taageeraysay NATO ee lagu riday laguna dilay hogaamiyihii mudada dheer Mucamar Qadaafi.
Iska horimaadka ayaa ka dhashay dilka hogaamiye kooxeed hubeysan oo ay fuliyeen koox ku xiran dowladda Dbeibah - Guutada 444, kuwaas oo markii dambe la dagaalamay koox saddexaad oo ah ciidamada Radaa ee gacanta ku haya qeybo ka mid ah bariga Tripoli iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada.
Waxay timid ka dib markii Dbeibah ay ku dhawaaqday amarro fulineed oo isdaba joog ah oo lagu doonayay in la burburiyo Raadaa lana kala diro kooxaha hubaysan ee fadhigoodu yahay Tripoli balse laga saaray guutada 444.