Turkiga
2 daqiiqo akhris
Turkiga oo martigeliyay wareegii koowaad ee wadahadalka nabadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya
Heshiis uu dhexdhexaadiyey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dejiyey aragti ku aaddan xasilloonida gobolka iyo iskaashiga dhaqaale.
Turkiga oo martigeliyay wareegii koowaad ee wadahadalka nabadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya
Turkiga oo martigeliyay wareegii koowaad ee wadahadalka nabadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya
acum 3 ore

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa ku dhawaaqday in Turkiga uu martigeliyay wareeggii ugu horreeyay ee wadaxaajoodyada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wadahadalladan, oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu hirgelinayo Bayaanka Ankara, oo la ansixiyay 11-kii Diseembar 2024, ayaa Talaadadii lagu qabtay magaalada Ankara. Wuxuu dhacay kulanku iyada oo uu joogo wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan, waxaana ka qaybgalay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Gedion Timothewos iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Maxamed Cumar.

Bayaanka Ankara iyo yoolka uu dejinayo

Bayaanka Ankara waxaa bilaabay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kaddib wadahadallo dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiskan wuxuu dejinayaa aragti cusub oo lagu xoojinayo xasilloonida gobolka iyo iskaashiga dhaqaale, xilli ay jiraan xiisado diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal.

Intii lagu guda jiray wadaxaajoodyada, labada wafdi ayaa mar kale xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay mabda’a ku xusan bayaanka, iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay wadahadal wax ku ool ah iyo iskaashi dhab ah.

Wadahadalladu waxay diiradda saareen sidii aragtidaasi loogu beddeli lahaa tallaabooyin wax ku ool ah oo faa’iido u leh labada dal, isla markaana kor u qaadi kara horumarka gobolka.

U heellanaanta horumar waara

Markii wareeggii ugu horreeyay ee wadahadalka la soo gabagabeeyay, labada dhinac waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay dhidibbada u taagaan horumar waara oo labada dalba ay ka faa'iideysan karaan, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Wadahadaladan waxay xuddun u yihiin dadaallada lagu xallinayo caqabadaha siyaasadeed iyo dhaqaale, iyada oo la xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Turkiga, oo ah dal muddo dheer u doodayay xasilloonida Geeska Afrika, wuxuu mar kale caddeeyay sida ay uga go’an tahay taageeridda geeddi-socodka nabadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa xustay in Ankara ay sii wadi doonto dadaalka dhexdhexaadinta, ayna diyaarinayso gogosha wareegga labaad ee wadaxaajoodyada farsamo oo la qorsheeyey in ay dhacaan bisha Maarso 2025.

Odoroska Mustaqbalka 

Wadahadalladan waxay kusoo beegmayaan xilli xasaasi ah, iyadoo ay sii socoto xiisadda ka dhalatay damaca Itoobiya ee helitaanka xeebaha Soomaaliya, oo ah arrin dhalisay khilaaf diblomaasiyadeed bilihii la soo dhaafay.

Turkiga, oo dhex-dhexaadinaya wadahadalladan, wuxuu sii xoojinayaa doorkiisa diblomaasiyadeed ee Afrika, isagoo dhiirri-gelinaya wadahadal iyo iskaashi halkii laga dooran lahaa khilaaf iyo iska horimaad.

ISHIDKA:TRTWorld
Ka fiirsada TRT Global. La wadaag ra'yigaaga!
Contact us