Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si diirran u soo dhaweeyay heshiiska cusub ee looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo midnimada Suuriya, isagoo xusay in dhaqangelintiisu ay faa’iido weyn u leedahay shacabka Suuriya.
Isagoo ka hadlayay munaasabad afur ah oo Talaadadii lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Ankara, Erdogan ayaa carrabka ku adkeeyay in Turkiga uu u arko dhammaan dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada Suuriya inay yihiin tallaabooyin sax ah oo lagu sugayo xasilloonida gobolka.
"Guuleystayaasha heshiiskan waxay noqon doonaan shacabka Suuriya," ayuu yiri Erdogan, isagoo xusay sida ay Ankara uga go’an tahay midnimada dhuleed iyo xasiloonida Suuriya.
Heshiiskii midnimada Suuriya
Hadalka Erdogan ayaa imaanaya maalin kadib markii Madaxtooyada Suuriya ay ku dhawaaqday heshiis horudhac ah oo dhex maray Madaxweynaha Suuriya, Ahmad Alsharaa, iyo SDF, oo ah garabka Suuriya ee kooxda YPG/PKK, taasoo Turkigu u arko urur argagixiso.
Heshiiskani wuxuu dib u xaqiijinayaa midnimada dhuleed ee Suuriya, wuxuuna diidayaa wax nooc ah oo kala qaybsanaan ah, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Suuriya.
Heshiisku waxa uu dammaanad qaadaya in dhammaan shacabka Suuriya ay si buuxda uga qayb qaataan hannaanka siyaasadeed iyo hay’adaha dowladda, iyada oo aan loo eegin asalkooda qowmiyadeed ama diineed.
Waxa kale oo uu aqoonsanayaa bulshada Kurdiyiinta inay yihiin qayb muhiim ah oo ka tirsan dowladda Suuriya, wuxuuna dammaanad qaadaya xuquuqdooda dastuuriga ah iyo dhalashadooda.
Mawqifka Turkiga ee Suuriya
Dowladda Turkiga ayaa muddo dheer ka soo horjeedday dhaqdhaqaaq kasta oo gooni u goosad ah oo ka dhaca Suuriya, gaar ahaan kuwa la xiriira PKK/YPG, kuwaas oo Ankara, NATO, iyo Midowga Yurub ay u aqoonsan yihiin ururo argagixiso.
Heshiiskan wuxuu la jaan qaadayaa mowqifka ballaadhan ee Turkiga ee ah in la ilaaliyo midnimada Suuriya, isla markaana meesha laga saaro khataraha argagixisada ee ka dhanka ah xuduudaha Turkiga.
Taageerada buuxda ee Falastiiniyiinta
Isagoo diiradda saaraya xaaladda Gaza, Erdogan wuxuu mar kale dib u xaqiijiyay mowqifka adag ee Turkiga ee ku aaddan qadiyadda Falastiin, isagoo ku dhawaaqay in Ankara "walaaltinimada ay la leedahay Falastiin aan la hor istaagi karin."
Isagoo dhaleeceeyay weerarrada militari ee Israel ka waddo Gaza, Erdogan wuxuu xusay in 471-kii maalmood ee la soo dhaafay, rabshadaha Israa’iil ay sumcad xumo u horseedeen taariikhda aadanaha.
Wuxuu ku celiyay in nabad waarta oo cadaalad ku salaysan aysan ka dhalan karin gobolka, ilaa la dhiso dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah oo leh xuduudaha 1967, taas oo Bariga Qudus ay tahay caasimaddeeda.
Turkiga ayaa si aad ah u dhaleeceeyay falalka Israa’iil ee Gaza, wuxuuna si xooggan ugu baaqayaa faragelin caalami ah iyo in la dedejiyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu riixayo xabbad-joojin degdeg ah.
Dareenka Erdogan ee ku aaddan arrinta Falastiin wuxuu markale xoojinayaa mowqifka adag ee Turkiga ee ka dhanka ah gardarrada Israa’iil, iyo garab istaagga joogtada ah ee ay la leedahay shacabka Falastiin.