CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Muwaadiniin Suudaan oo lagu dilay duqeymo kale oo RSF-ta ka ay geysay Darfur
Ciidanka Suudaan ayaa sheegay in weerarkii ugu dambeeyay lagu qaaday magaalada El-Fasher, halkaas oo Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ay si xowli ah u kordhiyeen weerarradooda toddobaadyadii la soo dhaafay.
Muwaadiniin Suudaan oo lagu dilay duqeymo kale oo RSF-ta ka ay geysay Darfur
Dadkii ka barakacay weerarrada RSF ee xerada Zamzam ayaa ku jira gabbaad magaalada Tawila. / Reuters
8 saacadood ka hor

Todoba qof oo rayid ah ayaa lagu dilay, saddex kalena waa lagu dhaawacay rasaas ka dhacday magaalada El-Fasher, caasimadda gobolka Waqooyiga Darfur ee galbeedka Suudaan, sida uu ciidanku sheegay Axaddii.

Bayaanka militariga ayaa lagu sheegay in dadka barakacay ee ku sugan xerada qaxootiga ee Zamzam iyo deegaannada kale ee Darfur ay kala kulmayaan "dhaqan aan bini’aadannimo ahayn iyo takoor" oo ay ku hayaan maleeshiyaadka RSF, taasoo ay ka mid tahay xirista waddooyinka iyo boobka hantida dadweynaha oo ay sameeyaan milatariga RSF.

Ma jirin wax faallo ah oo degdeg ah oo ka soo baxay RSF oo ku saabsan bayaanka ciidanka.

Madaafiic joogto ah iyo khatar bani’aadanimo

Dhowr maalmood, rasaasta RSF ayaa si joogto ah uga dhaceysay magaalada El-Fasher, taasoo sababtay boqollaal dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Suudaan iyo Qaramada Midoobay.

Magaaladu waxay u adeegtaa xarun hawlgallo bani’aadanimo oo muhiim ah oo u dhexeeya shanta gobol ee Darfur. Balse, tan iyo May 2024, waxaa halkaas ka dhacayay dagaallo dhimasho leh oo u dhexeeya ciidamada dowladda Suudaan iyo RSF, digniinno caalami ah laga bixiyay khataraha dagaalka ka jira El-Fasher.

Horraantii toddobaadkan, RSF ayaa sheegatay inay inay gacanta ku dhigtay xerada qaxootiga Zamzam ee El-Fasher, ka dib markii ay dagaallo la galeen ciidamada dowladda. Ugu yaraan 400 oo rayid ah ayaa la dilay, halka ku dhowaad 400,000 kalena ay ka barakaceen deegaanka, sida ay sheegeen tirokoobyo ay baahiyeen hay’adaha QM.

Tan iyo Abriil 15, 2023, RSF waxay la dagaallamayeen ciidamada Suudaan si ay ula wareegaan gacan ku haynta dalka. Dagaalkani wuxuu horseeday kumanaan dhimasho ah iyo mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ugu xumaa caalamka.

In ka badan 20,000 oo qof ayaa la dilay, halka ku dhowaad 15 milyan oo qof ay barakaceen, sida ay sheegayaan Qaramada Midoobay iyo ilo maxalli ah. Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baaris ay sameeyeen aqoonyahanno Mareykan ah ayaa qiyaasaya in tirada dhimashada ay gaartay ilaa 130,000.

XIGASHO:AA
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us