CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Injineeriyad hore ka tirsanayd Microsoft Ibtihaal, oo ku baaqday in la qaadaco adeegyada shirkaddaas
Injineeriyaddii hore ee Moroccanka isla markaana ahayd Barnaamij-sameeye ka tirsanayd Microsoft, Ibtihaal Abu Sacad, ayaa ugu baaqday in la qaadaco dhammaan adeegyada iyo agabka shirkaddaas.
Injineeriyad hore ka tirsanayd Microsoft Ibtihaal, oo ku baaqday in la qaadaco adeegyada shirkaddaas
Microsoft-50th-AI / AP
10 Abriil 2025

Baaqeeda ayaa ku soo baxay muuqaal gaaban oo ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Instagram Arbacada, maalmo kadib markii ay si kulul oo aan gabbasho lahayn ugu dhaliishay shirkadda Microsoft xaflad rasmi ah oo ka dhacday dalka Mareykanka, iyadoo ku eedaysay inay ku lug leedahay taageeridda Israa'iil.

Dhacdadaas ayaa markii dambe sababtay in gebi ahaanba laga eryo shaqadii ay ka haysay waaxda Caqliga Macmalka ah ee shirkadda.

Ibtihaal ayaa sheegtay inay go'aansatay inay faafiso muuqaalkan ka dib markii ay heshay farriimo aad u tiro badan oo isgarab istaag iyo taageero moral ah uga yimid dad doonaya inay garab istaagaan mowqifkeeda geesinimada leh.

Waxay intaas ku dartay: "Waa qasab in la qaadaco dhammaan agabka iyo adeegyada Microsoft ilaa ay ka qaataan mowqifyo bani'aadamnimo oo cad, ayna si rasmi ah u joojiyaan taageeradooda maaliyadeed ee ay siiyaan Israa'iil."

Waxay sidoo kale si xooggan ugu baaqday in la iftiimiyo dhammaan shirkadaha kale ee bixiya taageerada noocan oo kale ah, iyadoo carabka ku adkaysay baahida loo qabo in shaqaalaha ka shaqeeya shirkadahaas ay si cad u muujiyaan mowqifyadooda diidmada ah, xitaa haddii ay taasi ku keenayso inay waayaan shaqooyinkooda.

"Qof kasta oo ka shaqeeya shirkad ku xadgudbeysa mabaadi'da aasaasiga ah ee bani'aadamnimada waa inuu codkiisa kor u qaado oo uu iska casilo shaqadaas, isla markaana si furan arrintaas uga hadlo," ayay si geesinimo leh u tiri.

Telefishanka Mareykanka ee CNBC ayaa maalintii Isniinta tabiyay in shirkadda Microsoft ay shaqada ka eriday Ibtihaal Abu Sacad kadib markii ay hadalka ka dhex gashay Agaasimaha Fulinta ee waaxda Caqliga Macmalka ah, Mustafa Suleiman, xilli ay socotay munaasabad ballaaran oo ay shirkaddu ugu dabaal degaysay sannad-guuradeedii 50-aad ee ka soo wareegtay aasaaskeeda.

Waxay goobtaas ka sheegtay in maamulka sare ee shirkaddu uu si toos ah uga qayb qaadanayo xasuuqa ka socda Marinka Qaza, iyo in "gacmaha shirkaddu ay ku nijaasoobeen dhiigga Falastiiniinta."

Waxaa xusid mudan in wakaaladda wararka ee AP ay samaysay baaritaan xaqiiqo raadin ah horaantii sannadkan 2025, kaasoo daaha ka rogay in moodeello Caqli Macmal ah (AI Models) oo ay soo saareen shirkadaha Microsoft iyo OpenAI loo adeegsaday barnaamij militari oo ay leedahay Israa'iil si loogu doorto bartilmaameedyada duqeymaha lala beegsanayo Marinka Gaza iyo dalka Lubnaan labadaba.

Tan iyo 7-dii bishii Oktoobar ee sannadkii 2023, Israa'iil waxay si joogto ah xasuuq baahsan uga wadday Marinka Qaza, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray in ka badan 166,000 oo qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaasoo intooda ugu badan ay yihiin carruur iyo haween aan waxba galabsan, iyadoo in ka badan 11,000 oo qof oo kalena ay weli maqan yihiin oo aan la ogeyn nolol iyo geeri meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

XIGASHO:TRT World and Agencies
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us