Dowladda Nayjeeriya ayaa bilaabaysa inay dalka keento lo’da caanaha laga dhaliyo ee Denmark, iyadoo qorsheynaysa inay labanlaabto wax-soosaarkeeda caanaha shanta sano ee soo socota, sida uu sheegay Wasiirka Xoolaha ee dalkaas, Idi Maiha, Isniintii.
Inkasta oo Nayjeeriya ay leedahay mid ka mid ah tirada xoolaha ugu badan qaaradda Afrika, haddana wax-soosaarka sannadlaha ah ee caanaha dalkaas oo ah 700,000 tan ayaa aad uga hooseeya baahida gudaha ee gaareysa 1.6 milyan oo tan.
Tani waxay keentay in dalkaasi uu dibadda ka keeno ku dhawaad 60% caanaha uu isticmaalo, taas oo kharashkeedu gaarayo $1.5 bilyan sanadkii.
"Himiladeennu waa mid adag laakiin la gaari karo; waxaan dooneynaa inaan labanlaabno wax-soosaarka caanaha Nayjeeriya oo aan ka dhigno 1.4 milyan tan sannadkii shanta sano ee soo socota," ayuu yiri Wasiir Maiha.
Noocyada lo’da wax-soosaarka yar leh
Maiha ayaa sheegay in lo’da dalka ay u badan yihiin noocyo dhaqameed aan caano badan laga helin, kuwaas oo ay dhaqdaan reer guuraaga. Waxaa uu sidoo kale xusay in beero ku yaalla dalkaas ay horey u soo dajiyeen in ka badan 200 xamaar (heifers) oo laga keenay Denmark, iyagoo ku dadaalaya inay kobciyaan wax-soosaarka iyaga oo adeegsanaya taran xul ah.
Intaa waxaa dheer, ayuu sheegay in Nayjeeriya ay diiwaangelisay siddeed nooc oo cusub oo daaq ah—taasoo ah markii ugu horreysay muddo 48 sano ah. Sidoo kale waxaa la daahfuray istiraatiijiyad qaran oo ku saabsan kobcinta hiddo-sideyaasha xoolaha, iyadoo la kaashanayo Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO).
"Inaga ma bilowno meel eber ah, ee waxaan dhiseynaa meel adag; waxaa dalka ka jira in ka badan 20.9 milyan oo lo’ ah, 60 milyan oo ido ah, iyo 1.4 milyan oo arri ah," ayuu yiri Wasiir Maiha.