Massad Boulos, oo ah la-taliyaha sare ee Madaxweynaha Mareykanka Madaxweyne Donald Trump ee arrimaha Afrika, ayaa mar kale xaqiijiyay mowqifka Washington ee ah in Rwanda ay joojiso dhammaan taageerada militari ee ay siiso kooxda M23, isla markaana ay ciidamadeeda kala baxdo dhulka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
DRC iyo qaar ka mid ah dalalka Reer Galbeedka sida Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku eedeeyay Rwanda inay taageerto kooxda fallaagada ah ee M23. Rwanda ayaa dhinaceeda iska fogeysay eedeymahaas.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo qaab online ah kadib booqashadiisii uu ku tagay DRC, Rwanda, Uganda, iyo Kenya, Boulos waxa uu sheegay inuu arrinta Ciidamada Dimuqraadiga ee Xoreynta Rwanda (FDLR), oo ah koox hubaysan oo ku sugan DRC kuwaas oo lagu eedeeyay xasuuqii 1994, kala hadlay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.
Boulos ayaa sheegay in arrinta FDLR ay tahay qodob muhiim ah oo heshiis kasta oo nabadeed ka mid noqon doona. "Qof kastaa waa inuu ku qanacsan yahay shuruudahaas, waana inay ka nabad galaan khatar kasta oo jirta ama mustaqbalka iman karta," ayuu yiri.
Tan iyo bishii Janaayo, bariga Congo ayaa la daalaa dhacaysay dhibaato amni iyo mid bani'aadanimo oo sii xumaaneysa kadib markii ay kooxda fallaagada M23 ay qaaday weerarro cusub. Fallaagada ayaa la wareegtay dhul ballaaran oo ka tirsan gobollada Waqooyiga Kivu iyo Koonfurta Kivu.
Bishii Maarso, Madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa ku baaqay xabbad-joojin inta lagu jiray wadahadallo uu dhexdhexaadinayay Amiirka Qatar oo ka dhacay magaalada Doha.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa sidoo kale doonaysa inay heshiis la gasho Mareykanka, si loo helo taageerada Maraykanka oo ka dhan ah kooxaha fallaagada iyadoo lagu bedelanayo maalgashi lagu soo saaro macdanta qaaliga ah ee dalkaasi hodanka ku yahay.
Boulos ayaa intaa ku daray in intii uu booqashadiisii Kinshasa ku jiray uu kala hadlay Madaxweyne Tshisekedi heshiis ku saabsan macdanta, isagoo sheegay inay qeexeen waddo lagu horumarinayo iskaashiga labada dhinac.
Waxaa uu sheegay in kor u qaadista maalgashiga shirkadaha gaarka ah ee Mareykanka ee macdanta DRC uu yahay hadaf muhiim ah oo lagu gaarayo barwaaqo ay labada dhinac ka faa'iidaystaan. "Dabcan, waxaan u baahan nahay jawi xasilloon si aan u gaarno hadafkan," ayuu yiri Boulos.