SIYAASADDA
3 daqiiqo akhris
Colombia oo dib uga laabatay diidmada muhaajiriinta kaddib hanjabaaddii Trump
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horey ugu hanjabay in uu cunaqabatayn dhan 25% kusoo rogi doono Colombia, kaddib markii Madaxweyne Gustavo Petro uu diiday in uu aqbalo laba diyaaradood oo militari oo Mareykanka kwaaso waday muwaadiniin Colombian ah oo laga soo tarxiilay Maraykanka.
Colombia oo dib uga laabatay diidmada muhaajiriinta kaddib hanjabaaddii Trump
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Colombia, Luis Gilberto Murillo, oo ay weheliyaan Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Jorge Rojas, Agaasimaha DAPRE Laura Sarabia, Safiirka Colombia ee Mareykanka German Garcia-Pena, iyo Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Luis Carlos Reyes, ayaa shir jaraa’id ku qabtay Qasriga San Carlos ee Bogotá 26-kii Janaayo 2025, iyagoo ka hadlayay khilaafka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Mareykanka. / Sawirka: AFP
1 Febraayo 2025

Colombia ayaa axaddii dib uga laabatay mowqifkeedii hore, waxayna ogolaatay in ay aqbasho muwaadiniinta laga soo musaafuriyay Mareykanka iyagoo lagusoo qaaday diyaaradaha militari, saacado yar kaddib markii Trump uu ku hanjabay in uu cunaqabatayn adag ku soo rogayo si uu u ciqaabo iska caabbinta qorshihiisa musaafurinta ballaaran.

Madaxweynaha bidixda ah ee Colombia, Gustavo Petro, ayaa horey u sheegay in dalkiisu kaliya aqbali doono muwaadiniintiisa si "sharaf leh," taasoo macnaheedu yahay in ay kusoo laabtaan diyaarado rakaab, wuxuuna diiday laba diyaaradood oo militari oo Mareykanku ku soo celiyay dad Colombian ah.

Trump, oo dib ugu soo laabtay xafiiska wax ka yar toddobaad, ayaa si caro leh uga jawaabay, wuxuuna ku hanjabay in uu kusoo rogi doono cunaqabatayn ganacsi oo bilowgeedu yahay 25% oo ay si degdeg ah ugu kici karto 50% oo waxyeello u geysan karta dhaqaalaha afraad ee ugu weyn Latin America.

Markii hore, Petro wuxuu isku dayay in uu jawaab ka bixiyo, isagoo doonayay in uu isna canshuur kordhin ku sameeyo badeecadaha Mareykanka, balse dhammaadkii maalinta Axadda ayuu dib uga laabtay mowqifkiisii hore.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Colombia, Luis Gilberto Murillo, ayaa shir jaraa’id oo la qabtay ka sheegay in dalkiisu uu "xal ka gaaray khilaafkii," isla markaana uu aqbali doono muwaadiniinta la soo celinayo.

Bayaan ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Colombia ay ogolaatay "in ay si buuxda u aqbasho dhammaan dadka sharci-darrada ku jooga Mareykanka ee asal ahaan ka soo jeeda Colombia, iyagoo aan wax xaddidaad ama dib u dhac ah ku imaan karin, xitaa haddii la keeno diyaaradaha militari ee Mareykanka."

"Dhacdooyinkii maanta waxay caddeynayaan in Mareykanka mar kale la ixtiraamayo"

Aqalka Cad

"Trump wuxuu sii wadi doonaa difaaca adag ee madax-bannaanida qaranka Mareykanka, wuxuuna filayaa in dhammaan dalalka kale ay si buuxda u aqbalaan muwaadiniintooda sharci-darrada ku jooga Mareykanka."

Trump ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in uu hakiyay hirgelinta cunaqabateyntii uu ku hanjabay.

Xitaa ka hor intaa aynan  la ogaan sida dhabta ah ee Trump u dhaqan gelin karo cunaqabateynta taarikh ahaan Colombia, oo ah mid ka mid ah xulafada ugu dhow Mareykanka ee Latin America oo leh heshiis ganacsi oo xur ah oo ay la wadaagto Washington, waxaa jiray tallaabooyin kale oo diblomaasiyadeed oo la qaaday.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, oo xaaskiisu asal ahaan ka soo jeedo Colombia, ayaa hakiyay bixinta fiisayaasha safaaradda Mareykanka ee Bogotá, wuxuuna sheegay in fiisayaasha saraakiisha dowladda Colombia iyo qoysaskooda la laali doono.

Aqalka Cad ayaa sheegay in tallaabadan ay sii jiri doonto ilaa diyaaradihii ugu horreeyay ee la musaafuriyay ay dib ugu laabtaan Colombia.

Trump ayaa sidoo kale ballan qaaday in dadka reer Colombia ay la kulmi doonaan baaritaanno adag marka ay imanayaan garoomada diyaaradaha ee Mareykanka.

 

XIGASHO: AFP


XIGASHO:AFP
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us