Jenaraal Brice Oligui Nguema, oo hoggaamiyey afgembigii 2023-kii ee soo afjaray xukunkii qoyska Bongo 55 sano kadib, ayaa ku dhawaaqay inuu isku soo taagayo doorashada madaxtinimada ee dhici doonta 12-ka Abriil.
Jeneraal Oligui, oo markii hore ballanqaaday inuu xukunka dib ugu celin doono rayidka kadib xilliga kala-guurka, ayaa fursad u helaya inuu tartamo kadib markii baarlamaanka ku-meelgaarka ah ansixiyey sharciga doorashada bishii Janaayo. Sharcigani cusub ayaa u ogolaanaya xubnaha militariga iyo garsoorayaasha inay doorashooyinka ka qeyb galaan.
“Gabon oo dib u soo Kacaysa”
“Kadib falanqeyn dheer iyo codsiyo badan oo ii yimid, waxaan go’aansaday inaan u tartamo doorashada madaxtinimada,” ayuu Oligui ku sheegay khudbad uu ka jeediyey magaalada Libreville, xilli ay roobab xooggani da’ayeen.
Oligui, oo isla maalintaas u dabbaaldegayey dhalashadiisa 50-aad, ayaa xusay in aragtidiisa Gabon ay tahay “waddan dib uga soo kacaya dambas”.
Dib ugu laabashada militariga haddii uu guuldarreysto
Sida lagu sheegay barta rasmiga ah ee Infos CTRI, Oligui waa inuu si kumeelgaar ah isaga bixiyo dharka militariga inta lagu jiro ololihiisa doorashada.
Haddii uu guuleysto, wuxuu si rasmi ah uga bixi doonaa militariga, halka haddii uu guuldareysto, uu dib ugu laaban doono xarunta ciidamada.
Doorashadan ayaa noqon doonta tii ugu horreysay tan iyo markii militariga Gabon xukunka la wareegeen bishii Agoosto 2023, kadib markii ay afgembiyeen Ali Bongo Ondimba, oo 14 sano xukumaayey dalka.
XIGASHO: AFP