Dowladda Suudaan ayaa si rasmi ah uga soo horjeesatay go'aanka Boqortooyada Ingiriiska ee ah inay martigeliso shir caalami ah oo ku saabsan Suudaan maalinta ku beegan Abriil 15-keeda iyadoon lagu casuumin mas'uuliyiinta Suudaan inay ka soo qaybgalaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan, Cali Yuusuf, ayaa arrintan ku gudbiyay warqad uu usbuucii hore u diray dhiggiisa Ingiriiska, David Lammy, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan.
Wasaaraddu waxay sheegtay in warqadda Yuusuf ay ku muujisay "ka soo horjeedka Suudaan ee ku aaddan in Ingiriisku qabto shir ku saabsan Suudaan iyadoon casuumaad rasmi ah loo fidin dowladda Suudaan."
Wuxuu si adag u dhaliilay "habka ay wax u wajaheyso dowladda Ingiriiska, kaasoo barbar dhigaya qaranka madaxa bannaan ee Suudaan -- oo xubin ka ah Qaramada Midoobay tan iyo 1956 -- iyo maleeshiyo argagixiso (Ciidanka Taageerada Degdegga ah ee RSF) oo ku kacay xasuuq qowmiyadeed, dembiyo ka dhan ah aadanaha, iyo tacaddi aan hore loo arag oo lala beegsanayo dadka rayidka ah."
‘U Jilicsanaanta Maleeshiyada’
Ciidanka Qaranka Suudaan iyo kuwa RSF dagaalamayay tan iyo bishii Abriil 2023, dagaalkaas oo lagu dilay in ka badan 20,000 oo qof, isla markaana lagu barakiciyay 15 milyan oo kale, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo mas'uuliyiinta maxalliga ah ee Suudaan.
Wasiir Yuusuf wuxuu hoosta ka xariiqay waxa ay wasaaraddu ugu yeertay "caddeymo muujinaya u jilicsanaanta Ingiriiska ee dhanka maleeshiyada," isagoo ku boorriyay Boqortooyada Ingiriiska inay dib u eegis ku sameyso siyaasaddeeda ku wajahan Suudaan ayna si wax ku ool ahna ula dhaqanto dawladdaa" iyadoo la tixgelinayo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada shacab."
Dalka Ingiriiska ayaa lagu wadaa inuu magaalada London ku martigeliyo shir caalami ah oo heer sare ah oo looga hadlayo xiisadda Suudaan maalinta ku beegan 15-ka Abriil.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, gacan ku haynta dhuleed ee ciidanka RSF ayaa si xawli ah u sii yaraanaysay iyadoo dhanka kalena uu ciidanka qaranka Suudaan ka soo hoynayay guulo dhinacyo badan ah, gaar ahaan gobollo dhowr ah oo ay ku jiraan Khartoum iyo Bahri, inkastoo RSF ay weli gacanta ku hayso inta badan magaalada Omdurman marka laga reebo qaybo ka mid ah galbeedkeeda iyo koonfurteeda.
Tan iyo dabayaaqadii bishii Maarso (2025), guulaha ciidanka qaranka ee caasimadda Khartoum ayaa soo kordheen, iyagoo la wareegay Qasriga Madaxtooyada, xarumaha wasaaradaha, garoonka diyaaradaha ee caasimadda, iyo goobo kale oo istiraatiiji ah oo dhinaca amniga iyo militariga ah, waana markii ugu horreysay tan iyo markii uu dagaalku bilowday laba sano ka hor.
Marka laga soo tago caasimadda, guud ahaan 17-ka gobol ee kale ee Suudaan, ciidanka RSF waxay hadda si buuxda gacanta ugu hayaan oo keliya qaybo ka mid ah gobollada Waqooyiga iyo Galbeedka Kordofaan, meelo googoos ah oo ku yaal Koonfurta Kordofaan iyo Blue Nile, iyo afar ka mid ah shanta gobol ee Darfur ee galbeedka dalka.
Hase ahaatee, ciidanka qaranka ayaa gacanta ku haya magaalada Al-Faashir, oo ah caasimadda gobolka Waqooyiga Darfur, kaasoo ah gobolka shanaad ee deegaanka Darfur.