Tobannaan kun oo qof ayaa Axadii ka mudaaharaadaycaasimadda Morocco ee Rabat, iyagoo ka soo horjeeday Israa'iil kadib markii ay dib u bilowday weerarradeeda ka dhanka ah Marinka Qaza, kuwaasoo daba socday xabbad-joojin socotay muddo laba bilood ah.
Dibadbaxan oo ahaa kii ugu weynaa ee taageero loogu muujinayay Falastiin ee ka dhaca caasimadda Rabat muddo bilooyin ah, waxaa soo qabanqaabiyay isbaheysiga hormuudka ka yahay xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta (PJD).
Dibadbaxayaasha, oo ku dhawaaqayay hal-ku-dhegyo isla markaana garaacayay durbaanno, ayaa socod dheer ku maray Waddada caanka ah ee Mohammed V ee dhex marta magaalada, gaar ahaan agagaarka dhismaha baarlamaanka.
Waxay lulayeen calamo kala duwan, oo uu ku jiray mid uu ku sawirnaa hoggaamiyihii la dilay ee ururka Xamaas, Yaxya Sinwaar.
Tirada dhimashada ee sii kordheysa
Carruur ka qaybgalaysay dibadbaxa ayaa sitay marooyin cadcad oo kafan ahaan loo isticmaalo si ay u matalaan kumanaan carruur ah ee dhibbanayaasha u noqday ee ay Israa'iil ku laysay dhulka Falastiin muddadii sanadka iyo barka ahayd ee uu dagaalku socday. Dibadbaxayaashu waxay ku tilmaameen ficillada Israa'iil inay yihiin ‘‘xasuuq qowmiyadeed’’.
Ciidamada militariga Israa'iil ayaa markale weerarkooda Qaza dib u bilaabeen 18-kii Maarso (2025), waxaana tan iyo xilligaas lagu dilay marinkaas in ka badan 1,330 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Marinka Qaza.
Tirada guud ee dhimashada tan iyo markii uu dagaalku qarxay ayaa hadda gaartay 50,695 qof, sida laga soo xightay isla wasaaradda.
Dibadbaxayaashii isugu soo baxay Axaddii waxay ku dhawaaqayeen halku-dhegyo ay ka mid ahaayeen "Shacabku wuxuu rabaa xoreynta Falastiin!", waxayna Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ku sheegeen dembiile dagaal, iyagoo sidoo kale si xooggan u dalbaday in la soo afjaro go'doominta Qaza oo gargaarka bani'aadamnimo loo fasaxo dadka tabaalaysan.
Waxaa sidoo kale jiray baaqyo ku aaddan in dowladda Morocco ay gebi ahaanba jarto xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Israa'iil, xiriirkaas oo dib loo soo celiyay sannadkii 2020 hoos yimid Heshiisyada Ibrahiim ee ay Mareykanku dhexdhexaadiyeen.
Dowladda Morocco ee fadhigeedu yahay Rabat waxay si rasmi ah ugu baaqday in si degdeg ah oo joogto ah loo joojiyo dagaalka Qaza, hase yeeshee qoraalkeeda kuma aysan soo hadal qaadin xiriirka ay la leedahay Israa'iil.