Madaxa golaha sare ee Suudaan, Abdel Fattah al Burhaan, ayaa sheegay in "quwadaha gumeysiga" ay sii hurinayaan colaadaha ka taagan qaaradda Afrika.
Burhaan ayaa hadalkan ka sheegay Guinea-Bissau, halkaas oo uu Axaddii kula kulmay Madaxweynaha dalkaasi, Umaro Sissoco Embalo, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo ka soo baxay golaha sare ee Suudaan.
Kulanka ka dhacay qasriga madaxtooyada ee Bissau, ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Intii uu socday wada hadalka, Burhaan wuxuu sharaxaad ka bixiyay xaaladda Suudaan, gaar ahaan dagaalka u dhexeeya dowladda iyo fallaagada ay hogaaminayaan maleeshiyada Rapid Support Forces (RSF).
"Waxaa jira quwado gumeysi oo ka shaqeynaya hurinta colaadaha qaaradda Afrika," ayuu yiri Burhaan, isaga oo xusay in Afrika ay la kulmeyso baraarug u suuragelinaya in ay iska caabiso faragelinta shisheeye.
"Waxaan bogaadineynaa dadaallada ay wadaan qaar ka mid ah waddamada Afrika ee ka soo horjeeda gumeysigii hore iyo kan casriga ahba," ayuu hadalkiisa ku daray.
Dhiniciisa, Embalo wuxuu muujiyay rajo ku aaddan in Suudaan ay nabad hesho sida ugu dhaqsiyaha badan.
Socdaalka Burhaan ee Afrika
Burhaan ayaa socdaalkan diblomaasiyadeed ka bilaabay Mali Sabtidii, wuxuuna hadda gaaray Guinea-Bissau, halka uu sidoo kale ku tegi doono Sierra Leone iyo Senegal.
Booqashadan ayaa loo arkaa dadaal uu Burhaan ugu jiro in uu helo taageero Afrika ah, xilli dalkiisa uu la tacaalayo dagaal sokeeye iyo xaalad ammaan darro.
XIGASHO: AA