Ma jiraan wax caddaynaya in Iiraan ay rartay uranium-ka ka hor weerarada Maraykanka: Pentagon
"Ima soo gaarin war sirdoon ah oo sheegaya in uranium-ku uusan oollin meeshii lagu ogaa, in la raray iwm," ayuu yiri Pete Hegseth.
Ma jiraan wax caddaynaya in Iiraan ay rartay uranium-ka ka hor weerarada Maraykanka: Pentagon
Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth oo ka hadlayaa shir jaraa'id oo ay wadajir u qabteen Gen Dan Caine, Pentagon, Juun 26, 2025 ee Washington DC. / AP
5 saacadood ka hor

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa sheegay inuusan soo gaarin war sirdoon ah oo muujinaya in Iiraan ay rartay mid ka mid ah uranium-keeda ka hor duqeymihii Mareykanku ku qaaday goobaha nukliyeerka Iiraan.

"Ma helin wax sirdoon ah oo sheegaya in walxaha la beegsaday aysan oollin meeshii loogu talagalay, la wareejiyay ama si kale loo bedelay," ayuu Hegseth ka sheegay shir jaraa’id oo Khamiistii ay wadajir u qabteen Madaxa Taliyayaasha Ciidamada Mareykanka, Gen. Dan Caine.

Caine ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuusan arkin wax calaamado ah oo muujinaya arrintaas.

"Maya, ma arkin," ayuu yiri Caine markii wax laga weydiiyay inuu arkay sawirro dadweyne oo muujinaya in uranium-ka laga saaray Fordow ka hor duqeymaha.

Laakiin Midowga Yurub ayaa qaba aragti ka duwan

Wargeyska Financial Times ayaa Khamiistii soo wariyay in Midowga Yurub ay rumeysan yihiin in kaydka Iiraan ee 408 kiiloogaraam oo uranium ah oo ku dhow heerka hubka nukliyeerka aan lagu uruurin Fordow, oo ah mid ka mid ah labada goob ee ugu waaweyn ee bacriminta nukliyeerka, xilligii uu dhacay weerarkii toddobaadkii hore.

Waxay sheegeen in kaydka uranium-ka Iiraan intiisa badan lagu hayey goobaha ugu waaweyn ee nukliyeerka, sida uu wargeysku sheegay.

Bishii Juun 22-keedii, Mareykanka ayaa ku riday lix bam oo burburinaya dhismayaasha qotoda dheer xarunta nukliyeerka ee Fordow, sidoo kalena gantaallo laga soo tuuray maraakiibta gujiska ku weeraray laba goobood oo kale oo ku yaalla Natanz iyo Isfahan, iyagoo qayb ka ah ololahooda ka dhanka ah barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

Weerarradan ayaa yimid iyadoo duqeymaha Israa’iil ee ka dhanka ah kaabayaasha nukliyeerka iyo milatariga Iiraan, oo bilowday Juun 13, ay weli sii socdeen.

Dagaalkii 12-ka maalmood ee ku saabsanaa barnaamijka nukliyeerka Iiraan ayaa soo dhammaaday Talaadadii kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay xabbad-joojin.

Caine wuxuu sheegay in dhammaan lixda hub ee loo adeegsaday Fordow ay "ku dhaceen bartilmaameed sax ah oo ah halkii loogu talagalay."

XIGASHO:TRT World and Agencies
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us