CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Qoyska Qarniga 21-aad: Istanbul oo martigelinaysa Dood-cilmiyeedka 3-aad ee Caalamiga ah ee Qoyska
Magaalada Istanbul ayaa la qorsheeyey in 30-ka ilaa 31-ka Maayo martigeliso dood-cilmiyeedka 3-aad ee caalamiga ah ee qoyska, oo sanadkan hal-ku-dheggiisu yahay “Qoyska Qarniga 21-aad”
Qoyska Qarniga 21-aad: Istanbul oo martigelinaysa Dood-cilmiyeedka 3-aad ee Caalamiga ah ee Qoyska
Iyadoo lagu socdo hal-ku-dhigga “Qoyska Qarniga 21-aad,” dhacdadani waxay sahmin doontaa aragtiyo cilmiyeed oo kala duwan oo diiradda lagu saarayo fikradda qoyska. / TRT World and Agencies
30 Meey 2025

Magaalada Istanbul ayaa 30-ka ilaa 31-ka bisha Maayo martigelin doonta dood-cilmiyeedka 3-aad ee caalamiga ah ee qoyska, kaas oo sanadkan hal-ku-dhiggiisu yahay “Qoyska Qarniga 21-aad.” Dood-cilmiyeedkan oo socon doona laba maalmood ayaa diiradda saari doona caqabadaha iyo fursadaha horyaalla qoysaska casriga ah ee dunida maanta.

Dood-cilmiyeedka ayaa waxaa soo qabanqaabinaysa Mu’asasada Qoyska ee Istanbul oo kaashanaysa Wasaaradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Turkiga. Waxaana la filayaa in ay kasoo qayb galaan khubaro caalami ah, cilmi-baareyaal, aqoonyahanno iyo xirfadlayaal ka kala socda gudaha Turkiga iyo daafaha caalamka.

Hay'addan oo la aasaasay sanadkii 2020-kii iyadoo hal-ku-dhiggeedu yahay, "Qoysku waa Aasaaska Ilbaxnimada," ayaa ah urur bulshada rayidka ah oo muhiim ah, kuna hawlan dib-u-soo-nooleynta qaabka qoyska dhaqameed ee ku salaysan qiyamka akhlaaqda, dabeecadda aadanaha, iyo dhaxalka dhaqanka Turkiga.

"Shirweynaha sanadkan wuxuu isu keenayaa aqoonyahanno, khubaro, iyo xirfadlayaal ka kala socda Turkiga iyo daafaha caalamka si ay uga wada hadlaan caqabadaha caalamiga ah ee qoysaska, ay u keenaan xalal cusub, iyo inay kor u qaadaan wacyiga ku saabsan doorka qoyska ee horumarka bulsho waarta," ayay hay'addu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Munaasabadda oo socon doonta laba maalmood ayaa lagu qaban doonaa Jasiiradda Dimuqraadiyadda iyo Xorriyadda (Yassiada), waxaana lagu soo bandhigi doonaa doodo aqooneed, wadahadallo dadweyne, iyo hawlo dhaqameed.

Ka qaybgalayaasha ayaa sidoo kale ka faa'iidaysan doona booqasho lagu tagayo Matxafka Yassiada, madadaalo, iyo shahaado ka qaybgal—kuwaas oo dhammaantood bilaash ah oo loogu talagalay dadka isdiiwaangeliyay. Waxaa sidoo kale la sameyn doonaa turjumaad toos ah oo ku baxaysa luuqadaha Ingiriisiga iyo Carabiga.

Doonaha u baxaya jasiiradda ayaa ka ambabixi doona Dekedda Bostanci 12 duhurnimo (0900GMT) 30-ka May iyo 9 subaxnimo (0600GMT) 31-ka May.

Tan iyo markii la aasaasay, hay'addu waxay hogaaminaysay mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin Xarumo La-talinta Qoyska, shirar caalami ah, Aile TV, Wargeyska Aile, warbixino, shirar, iyo barnaamijyo waxbarasho iyo cilmi-baarisyo badan oo diiradda saaraya xoojinta qiyamka qoyska ee bulshada casriga ah.

XIGASHO:TRT World
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us