Aabe Falastiini ah oo sagaal carruur ah ku waayay duqeyn cirka ah oo Israa’iil ku qaaday magaalada Khan Younis ayaa geeriyooday, kadib dhaawacyo culus oo ka soo gaaray weerarkaasi, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka.
“Dr. Hamdi al-Najjar, oo ah ninka qabo dhakhtaradda Alaa al-Najjar, ayaa ku geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray markii xoogagga Israa’iil ay gurigooda ku yaala koonfurta Khan Younis ku qarxiyeen, isagoo ku biiray sagaalkii carruur ah ee horey loo dilay,” ayuu Muneer Alboursh, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Qaza, ku yidhi qoraal uu ku daabacay baraha bulshada, Sabtidii.
“Qoys dhan ayaa baaba’ay — waxaa ka haray hooyada murugaysan iyo wiilkeeda dhaawacmay.”
Dr. Hamdi al-Najjar ayaa si halis ah u dhaawacmay 24-kii May, kadib markii ciidamada Israa’iil ay weerareen gurigooda, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow dhacdada.
Dhakhtaradda carruurta ee reer Falastiin, Alaa al-Najjar, ayaa si naxdin leh u wajigtay maqalka geerida caruurteeda, kadib markii ay heshay meydadka gubtay ee sagaalka carruur ah intii ay ka shaqaynaysay Isbitaalka Nasser.
Carruurtaas ayaa ku dhintay duqeyntii cirka ee Israa’iil ku qaaday gurigooda. Wiilkeedii kaliya ee ka badbaaday, Adam, iyo aabahood Dr. Hamdi al-Najjar, labaduba way ku dhaawacmeen weerarka.
Qaar ka mid ah qaraabada qoyska ayaa sheegay in meydadka carruurta si daran loo gubay, taasoo adkaysay in si sahalan loo aqoonsado.
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay baari doonaan weerarka lagu qaaday guriga qoyska Al-Najjar ee ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Dilalka Israa’iil
Israa’iil ayaa tan iyo bishii Oktoobar 2023 sii wadday gumaadka naxdinta leh ee ka socda Qaza, iyadoo dishay ku dhowaad 54,400 Falastiiniyiin ah, badankoodna ay yihiin haween iyo carruur.
Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay halista macaluul baahsan oo ku soo fool leh in ka badan 2 milyan oo qof oo ku nool deegaanka go’doonsan ee Qaza.
Intii uu socday xasuuqa, Israa’iil waxay burburisay inta badan kaabeyaasha dhaqaalaha iyo goobaha rayidka ah ee Qaza, waxayna ku qasabtay dadka deegaanka inay barakacaan.
Bishii Nofeembar ee sanadkii hore, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa soo saartay amarro lagu doonayo in la soo xiro Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkii Gaashaandhigga Yoav Gallant, iyagoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay Qaza.
Israa’iil sidoo kale waxay wajahaysaa kiiska xasuuqa ee ka yaalla Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ), taasoo la xiriirta dambiyada ay ciidamada Israa’iil ka geysteen dad rayid ah oo ku sugan Qaza.