Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu qaado tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si uu u fududeeyo wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.
Warkan ayuu ka sheegay Isniintii, xilli uu furayay shir nabadeed oo ka dhacay qasriga taariikhiga ah ee Çırağan ee magaalada Istanbul, halkaas oo uu ka bilowday wareeggii labaad ee wada-hadallada nabadda ee ay martigelinayso Turkigu.
“Turkigu waxa uu diyaar u yahay in uu qaado tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si uu u fududeeyo geeddi-socodka wada-hadalka,” ayuu yiri Fidan.
Kulankan ayaa daba socda shirkii hore ee ka dhacay Istanbul 16-kii May, kaas oo labada dhinac ay ku heshiiyeen is-weydaarsiga 1,000 maxbuus midkiiba, isla markaana ay labadooduba caddeeyaan mowqifyadooda ku saabsan xabbad-joojin suuragal ah.
Fidan wuxuu xusay in Turkigu uu muddadii uu socday dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine, ilaaliyay xiriir wanaagsan oo la leh labada dhinac, isla markaana uu dhowr jeer soo jeediyay in uu noqdo dhex-dhexaadiye si loo fududeeyo wada-hadalada nabadda.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay sii wadi doonaan wada-hadalka si loo yareeyo iska horimaadka socda.