CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Masar, Tuuniisiya, iyo Aljeeriya oo baaq u diray dhinacayada isku haya Liibiya
Masar, Tuuniisiya, iyo Aljeeriya ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Libya inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda ayna qabtaan doorashooyin baarlamaan iyo madaxtinimo oo isku sidkan.
Masar, Tuuniisiya, iyo Aljeeriya oo baaq u diray dhinacayada isku haya Liibiya
Liibiya / Reuters
1 Juun 2025

Masar, Tuuniisiya, iyo Aljeeriya — oo ah saddexda waddan ee deriska la ah Liibiya ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku loolamaya Liibiya inay si degdeg ah u soo afjaraan collaadda iyo xasillooni darradda kor u soo kacaysa, ayna qabtaan doorashooyinka madaxweynaha iyo golaha sharci-dejinta oo isku lammaan.

Baaqan ayaa ku soo baxay war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar, ka dib kulan saddex-geesood ah oo lagaga hadlayay xaaladda Liibiya, kaas oo Sabtidii ka dhacay Qaahira.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty; Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Tuuniisiya, Mohamed Ali Nafti; iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, Ahmed Attaf, ayaa ka qayb galay kulanka, oo qayb ka ah hanaanka iskaashiga saddex-geesoodka ah ee arrimaha amniga ee dalalka deriska.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka: “Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar, Tuuniisiya, iyo Aljeeriya ayaa kulan ku yeeshay Qaahira iyaga oo dib u bilaabay iskaashiga saddex-geesoodka ah si ay dib u eegaan horumarka ka socda Liibiya ugana shaqeeyaan sidii loo gaadhi lahaa xalka siyaasadeed ee la hiigsanayo.”

Baaq loogu yeeray “Xasillooni buuxda”

“Iyada oo la tixgelinayo horumarka la taaban karo ee ka socda Liibiya iyo xaaladda colaadeed ee dib uga soo cusboonaatay caasimadda Tripoli, wasiirradu waxay ku adkeeyeen baaqooda in dhammaan dhinacyada loolamayaa ay nabadda ka shaqeeyaan oo ay si degdeg ah u joojiyaan iska horimaadyada, si loo gaadho xasillooni buuxda iyo badbaado ay ku naaloodaan dadka reer Liibiya.”

War-saxaafadeedkan wadajirka ahi wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda horumarinta hanaanka siyaasadeed ee Liibiya, oo ay ku jirto mideynta hay’adaha iyo qabashada doorashooyin baarlamaanka iyo madaxtooyada oo isku sidkan.

Dhinacyada isku haya Liibiya midna si degdeg ah uguma jawaabin baaqan ka soo baxay kulanka saddex-geesoodka ah.

Wadashaqayntan saddex-geesoodka ah ee u dhaxaysa Masar, Aljeeriya, iyo Tuuniisiya waxaa la bilaabay sanadkii 2017, balse waa la joojiyay sanadkii 2019.

Sida ku xusan war-saxaafadeed kale oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar, kulanka Qaahira wuxuu dib u hawlgelin doonaa habka iskaashiga saddex-geesoodka ah, taasoo muujinaysa sida ay saddexda dal uga go'an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida Liibiya.

Saddexda dal waxay carrabka ku adkeeyeen " Baahida degdegga ah ee loo qabo in xal loo helo qalalaasaha Liibiya iyo in la soo afjaro kala qaybsanaanta siyaasadeed, si looga hortago sii kordhida xiisadda, rabshadaha, argagixisada, iyo in khilaafka ku baaho degaano badan."

Wasiirradu waxay ku heshiiyeen in habka iskaashiga saddex-geesoodka ah uu si joogto ah u kulmo, iyadoo kulanka xiga lagu qaban doono Aljeeriya, kadibna Tuuniisiya, ka hor inta aanu dhammaan sannadkani.

Kulankii ugu dambeeyay ee saddex-geesoodka ahaa ee ay yeesheen Masar, Tuuniisiya, iyo Aljeeriya ayaa qabsoomay xilli xaaladda siyaasadeed iyo mida amni ee Liibiya, ay faraha ka sii baxayso.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, magaalada Tripoli waxaa ka dhacay iska horimaadyo hubeysan oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Midnimada Qaranka (GNU) iyo kooxo hubeysan oo kale, taasoo keentay xiisado siyaasadeed iyo bannaanbaxyo ay isaga horyimaadeen taageerayaasha dawladda midnimada iyo kuwa mucaaradka.

Kala qaybsanaan siyaasadeed

Tan iyo 2022, Liibiya waxay la daalaa-dhaceysay kala qaybsanaan siyaasadeed oo u dhaxaysa laba dowladood oo iska soo horjeeda: maamulka caalamku aqoonsan yahay ee Dbeibeh ee fadhigiisu yahay Tripoli, iyo dowladda kale oo uu hogaamiyo Osama Hammad oo fadhigeedu yahay Benghazi, taasoo ay taageerraan baarlamaanka fadhigoodu yahay bariga dalka.

Dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu qabanayo doorashooyin qaran ayaa weli hakad ku jira, taasoo sii dheereyneysa khilaafka iyo xasillooni darrada ka aloosan dalkan hodanka ku ah saliidda

XIGASHO:AA
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us