CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Liibiya: Nin laga celiyey inuu raaco safarka xajka balse diyaaraddii ay laba jeer cilladowday
Dhacdo layaab leh ayaa dhacday markii diyaarad qaadeysay xujaajta oo ku sii jeeday Sacuudi Carabiya ay labo jeer dib ugu soo laabatay garoonka, ka dib markii nin dhalinyaro ah oo u dhashay Liibiya laga hor istaagay inuu raaco diyaaradda.
Liibiya: Nin laga celiyey inuu raaco safarka xajka balse diyaaraddii ay laba jeer cilladowday
In kasta oo uu ku adkaystay codsigiisa, haddana diyaaraddii la'aantii ayey kacday / x
3 Juun 2025

Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalkaLiibiya oo lagu magacaabo Ameur Al-Mansour Qaddafi ayaa la filayay inuu raaco duulimaadkii ugu dambeeyay ee qaadayey xujeyda u socday Sacuudiga si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka.

Balse daqiiqadihii ugu dambeeyey ayaa waxaa joojiyay shaqaalaha socdaalka ee garoonka Sebha International Airport, oo ku yaalla bartamaha Liibiya. Magaciisa dambe oo ah “Qaddafi,” ayaa la sheegay in la calaamadeeyay, iyadoo la qiyaasayo in sababtu tahay in uu la wadaago magaca hogaamiyihii hore ee la afgambiyay, Mucammar Qaddafi.

Inkasta oo uu si joogto ah uga codsaday waaxda socdaalka in loo oggolaado safarka, balse diyaaraddii way ka tagtay.

Xubno ka tirsan qoyskiisa iyo shaqaalaha garoonka ayaa ku dhiirrigeliyay inuu tago oo uu aqbalo xaaladda, balse wuu diiday.

Qaddafi ayaa yiri, “Kama dhaqaaqayo halkan inaan xajka u safro mooyee,” sida laga soo xigtay Gulf News.

Qaddarta Alle oo wax baddashay

Daqiiqado yar kadib markii ay diyaaraddii duushay, qaddarta Alle ayaa si lama filaan ah wax u baddashay.

Duuliyihii diyaaradda ayaa ku khasbanaaday inuu dib ugu soo laabto garoonka sababo la xiriira cilad farsamo oo ku timid nidaamka qaboojiyaha, sida ay sheegayaan warbaahinta maxalliga ah.

Markii diyaaradda ay dib u soo cago dhigatay, shaqaalaha shirkadda diyaaradda ayaa isku dayay in ay u suura geliyaan Qaddafi inuu raaco, iyaga oo ka codsaday duuliyaha inuu albaabka furo.

Si kastaba ha ahaatee, duuliyuhu wuu diiday, isaga oo ku sababeeyay cillad farsamo maadaama matoorada ay weli shaqeynayeen.

‘La’aantiis ma duuli karno’

Dhacdo lama filaan ah oo dhacday, diyaaraddii ayaa mar kale wajahday cilad kale oo keentay in si degdeg ah loogu soo laabto garoonka.

Intaas kadib, kabtanka duulimaadka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay:

“Wallaahi mar kale ma duulayo ilaa uu Amer diyaaradda nala soo raaco,” sida uu qoray Arynews.

Iyadoo ay sacab iyo mashxarad ku soo dhaweeyeen rakaabkii kale ee diyaaradda, ugu dambeyntii Qaddafi waxaa loo oggolaaday inuu fuulo diyaaradda. Muuqaal laga duubay xilligaas ayaana lagu faafiyey baraha bulshada.

Amer ayaa mar dambe u sheegay warbaahinta maxalliga ah:

“Xaj uun baan rabay inaan tago. Waxaanna yaqiinsanaa haddii la iiqoray, cidna inaysan iga hor istaagi karin.”

Sannad kasta, kumanaan muslimiin ah ayaa soo xajiya. Xajka oo ah tiir ka mid ah tiirarka islaamka ayaa waajib ku ah muslimiinta oo ay tahay in ay gutaan ugu yaraan hal mar inta ay nool yihiin kuwa jir ahaan iyo dhaqaale ahaan awooda in ay galaan safarka.

XIGASHO:TRT World and Agencies
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us