TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Wareegga labaad ee wada-hadallada nabadeed ee Ruushka iyo Ukraine oo ka furmay Istanbul
Wada-hadallada cusub ayaa lagu wadaa in ay diiradda saaraan suurtagalnimada xabbad-joojin rasmi ah iyo dhismaha geeddi-socod nabadeed oo waara.
Wareegga labaad ee wada-hadallada nabadeed ee Ruushka iyo Ukraine oo ka furmay Istanbul
Wada-hadallada cusub ayaa lagu wadaa in ay diiradda saaraan suurtagalnimada xabbad-joojin rasmi ah iyo dhismaha geeddi-socod nabadeed oo waara. / AP
2 Juun 2025

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa maanta martigelinaysa wareegga labaad ee wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, kuwaas oo lagu wado in ay diiradda saaraan sidii loo joojin lahaa colaadda ka taagan Bariga Yurub.

Wada-hadalladan oo ay dhexdhexaadinayso dowladda Turkiga, ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan, waxaana lagu qabtay qasriga taariikhiga ah ee Çırağan ee magaalada Istanbul.

Wafdiyada labada dal waxaa hoggaaminaya saraakiil sare oo ka kala socda wasaaradaha arrimaha dibadda, gaashaandhigga, iyo hay’adaha sirdoonka.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka (MIT), İbrahim Kalın ayaa sidoo kale ka qeybgalay wada-hadalladaasi.

Wafdiga Ruushka waxaa hoggaaminaya la-taliyaha Madaxweyne Putin, Vladimir Medinsky, waxaana la socda Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Mikhail Galuzin, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Aleksandr Fomin, iyo madaxa waaxda sirdoonka ciidamada Igor Kostyukov.

Dhinaca Ukraine, waxaa shirkan ka qeybgalaya Wasiirka Difaaca Rustem Umerov, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Sergiy Kyslytsya, ku xigeenka Madaxa Sirdoonka Qaranka Oleksandr Poklad, iyo ku xigeenka hay’adda sirdoonka dibadda Oleh Luhovskyi.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa horey isugu dhaafsaday hindisooyin kala duwan oo la xiriira xalka colaadda. La-taliyaha Putin, Medinsky, ayaa sheegay in Ruushka uu helay qoraal xabad-joojin ah oo kasoo baxay Ukraine. Balse madaxweyne Zelenskyy ayaa dhankiisa sheegay in weli aysan helin wax qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Ruushka.

Turkiga ayaa sanadkii 2022 dhowr jeer ku guuleystay in uu labada dhinac isugu keeno miiska wada-hadalka, iyadoo heshiisyo horudhac ah laga gaaray arrimo ay ka mid yihiin is-dhaafsiga maxaabiista.

Shirkii ugu dambeeyay ee labada dal dhexmaray Istanbul waxa uu dhacay 16-kii May, halkaas oo lagu kala saxiixday is-weydaarsiga 1,000 maxbuus oo dhinac walba ah. Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in is-weydaarsigaasi la dhammeystiray 25-kii May.

Wada-hadallada cusub ayaa lagu wadaa in ay diiradda saaraan suurtagalnimada xabbad-joojin rasmi ah iyo dhismaha geeddi-socod nabadeed oo waara.

Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us