Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa Khamiistii jeediyay hadalkiisii ugu horreeyay ee uu ka jeediyo meel fagaare ah kadib markii Mareykanka uu ku dhawaaqay xabbad-joojin si loo soo afjaro dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iiraan.
Khamenei wuxuu sheegay in Iiraan ay guul ka gaartay Israa’iil. "Iyadoo ay jiraan qaylo dhaan iyo sheegashooyin badan, nidaamka Sahayuuniga ah, wuxuu ku dhow yahay inuu burburo oo la jabiyo," ayuu yiri Khamenei isagoo khudbaddiisa ka jeedinayay telefishanka, taas oo sidoo kale lagu daabacay akoonkiisa rasmiga ah ee X.
"Waxaan hambalyo u dirayaa guusha laga gaaray nidaamka been-abuurka ah ee Sahayuuniga," ayuu raaciyay.
"Nidaamka Sahayuuniga ah wuxuu ku dhow yahay inuu burburo oo lagu jabiyo weerarada Jamhuuriyadda Islaamiga ah," ayuu yiri Khamenei oo hadalkiisa ay baahisay warbaahinta dowladda.
Mar uu ka hadlayay mowqifka Iiraan ee ku aaddan Mareykanka, ayuu yiri, "Iiraan marnaba ma is-dhiibi doonto." Wuxuu intaas ku daray in Mareykanka "uusan waxba ka faa’iidin" weeraradii uu ku qaaday intii uu socday dagaalka Israa’iil.
"Mareykanku waxba kama faa’iidin dagaalkan," ayuu yiri Khamenei, oo intaas ku daray, "Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa guulaysatay oo si adag u dharbaaxday Mareykanka, halka Trump uu isku dayayo inuu xaqiiqada qariyo."
"Madaxweynaha Mareykanka wuxuu ku sheegay mid ka mid ah hadalladiisa in Iiraan ay tahay inay is-dhiibto. Is-dhiibid! Ma aha arrin ku saabsan kobcinta (uranium-ka), mana aha warshadaha nukliyeerka, balse waa is-dhiibitaanka Iiraan," ayuu yiri Khamenei isagoo khudbaddiisa ka sii waday telefishanka.
"Dhacdo noocaas ah (is-dhiibid) marnaba ma dhici doonto. Marnaba ma dhici doonto," ayuu ku adkeystay.
Daqiiqado kadib markii Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan uu dhammeeyay khudbaddiisa, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa soo dhigay farriin uu ku lifaaqay sawir isaga iyo Madaxweyne Donald Trump oo gacmaha is-haya.
Netanyahu wuxuu sheegay inuu sii wadi doono wada shaqeynta uu la leeyahay Madaxweyne Trump si looga "guuleysto cadawga wadajirka ah, loo xoreeyo maxaabiista, loona ballaariyo aagga nabadda si dhaqso ah."