GANACSI & TEKNOLOJI
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya: Wasaaradda Beeraha oo daah-furtay barnaamij lagu tababarayo farsama-yaqaannada cagafyada
Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo ay Wasaaradda Beeraha ku doonayso inay ku casriyeyso hab-dhaqanka beeraha Soomaaliya, si loo gaaro isku-filnaansho cunto iyo horumar dhaqaale.
Soomaaliya: Wasaaradda Beeraha oo daah-furtay barnaamij lagu tababarayo farsama-yaqaannada cagafyada
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya / User Upload
14 saacadood ka hor

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa si rasmi ah u daah-furay barnaamij lagu tababarayo 30 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kaas oo diiradda saaraya barashada farsamada, cilad-bixinta, iyo ku-shaqaynta cagafyada casriga ah.

Barnaamijkan oo socon doona muddo lix bilood ah, ayaa yimid kaddib iskaashi mira-dhal ah oo dhex maray Wasaaradda Beeraha, shirkadda maxalliga ah ee Gaalooge, iyo shirkadda caalamiga ah ee CASE IH oo laga leeyahay dalka Talyaaniga.

Munaasabadda daah-furka, ayay Wasaaradda Beeraha iyo Shirkadda Gaalooge ku kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo lagu sii xoojinayo iskaashiga labada dhinac.

Heshiiskan ayaa gogol-xaar u ah in la iska kaashado tababarrada farsama-yaqaannada, bandhigyada qalabka beeraha, iyo horumarinta tiknoolajiyadda casriga ah ee beeraha dalka.

Wasiir Maareeye oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in Wasaaraddu ay dadaal weyn ku bixinayso sidii loo soo saari lahaa dhallinyaro aqoon u leh farsamada iyo injineeriyadda beeraha.

"Ujeeddadeennu waa inaan helno dhallinyaro Soomaaliyeed oo awood u leh inay xalliyaan caqabadaha dhanka mashiinnada iyo qalabka ee haysta beeralayda Soomaaliyeed," ayuu yiri Wasiirku. "Tababarkani waa tallaabo muhiim ah oo aan ku doonayno inaan ku kobcinno wax-soo-saarka dalka, kuna abuurno shaqooyin cusub oo waxtar u leh bulshada."

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo ay Wasaaradda Beeraha ku doonayso inay ku casriyeyso hab-dhaqanka beeraha Soomaaliya, si loo gaaro isku-filnaansho cunto iyo horumar dhaqaale.

Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us