Wasiirka Amniga Qaranka ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, ayaa xoog ku galay masjidka Al-Aqsa oo ku yaalla Qudusta Bari ee gacanta gumeysiga ku jirta, saacado yar kadib markii ay xayiraad ku soo rogeen UK iyo afar dal oo kale.
Bayaan kooban oo ay soo saartay Waaxda Awqaafta Islaamka ee Qudus ayaa lagu sheegay in Ben-Gvir uu subaxnimadii Arbacada xoog ku galay masjidka Al-Aqsa isagoo ay ilaalinayaan ciidamada Israa’iil.
Tani waa markii siddeedaad ee wasiirka midigta fog uu ku xadgudbo masjidka Al-Aqsa tan iyo markii uu ku biiray xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu sanadkii 2022-kii.
Dhacdadan ka hor ayaa dalalka UK, Australia, Canada, New Zealand iyo Norway ay ugu dhawaaqeen xayiraad ka dhan ah laba wasiir oo midigta fog ah oo ka tirsan xukuumadda Israa’iil, kuwaasoo kala ah Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben-Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich, iyagoo ku eedeeyay "hurinta rabshadaha iyo colaadda ka dhanka ah bulshada Falastiiniyiinta," sida ay sheegtay dowladda Ingiriisku.
Labadan wasiir ayaa lagu soo rogay xayiraad safar iyo xanibaadda hantidooda, sida lagu sheegay bayaan Talaadadii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK.