TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Wasiirka Difaaca Turkiga: Waxaan sii wadeynaa dadaallada si xabbad-joojin waarta looga gaaro Yukrayn
Wasiirka Difaaca Turkiga, Yaşar Güler, ayaa xaqiijiyay dadaalka xooggan ee dalkiisu wado, isagoo uu hogaaminayo Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan, si loo gaaro xabbad-joojin waarta oo ka hirgasha Yukrayn.
Wasiirka Difaaca Turkiga: Waxaan sii wadeynaa dadaallada si xabbad-joojin waarta looga gaaro Yukrayn
Wasiirka Difaaca Turkiga Yaşar Güler / Reuters
11 Juun 2025

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Difaaca ayaa sheegay in Güler uu ka qayb galay kulan ay yeesheen kooxda xiriirka NATO, kaasoo ku saabsanaa Yukrayn, kana dhacay xarunta NATO ee magaalada Brussels, caasimadda Belgium, 4-tii iyo 5-tii Juun ee bishan.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in Guler uu tilmaamay in madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Mareykanka Donald Trump ay muujiyeen "go'aan adag" oo ku aaddan sidii loo gaari lahaa xabbad-joojin waarta oo ka hirgasha Yukrayn .

Wuxuu sidoo kale xusay wasiirku in Turkigu uu sii wadayo wada-xaajoodyada uu la leeyahay dhinacyada ay arrintu khuseyso, isla markaana uu diyaar u yahay inuu martigeliyo wada-hadallo nabadeed oo uu ka qeyb galo Trump si loo gaaro xabbad-joojin iyo nabad waarta.

Wasiirka Difaaca Turkiga ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dalkiisu uu taageerayo dhammaan dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro nabad cadaalad ah oo waarta oo ka hirgasha Yukrayn, isagoo tilmaamay in Turkigu uu dhowaan martigeliyay "kuammo muhiim ah" oo la xiriira arrintan.

Dhanka kale, Guler ayaa sheegay inuu kulammo gaar gaar ah la yeeshay wasiirrada difaaca dalalka Biljimka, Lithwaaniya, iyo Yukrayn intii uu socday shirka.

Sidoo kale, wuxuu kulan saddex-geesood ah la yeeshay wasiirrada difaaca ee Bulgaariya iyo Roomaaniya, kuwaas oo looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.

Isniintii lasoo dhaafay, magaalada Istanbul ayaa martigelisay wareegii labaad ee wada-hadallada u dhexeeya Ruushka iyo Yukrayn, kuwaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka socday tan iyo bishii Febraayo 2022.

Labada dhinac ayaa intii lagu jirey wada-hadallada Istanbul ku heshiiyay in la sii wado is-weydaarsiga maxaabiista, halka dhinaca Ruushka uu soo bandhigay qoraal ka tarjumaya aragtidiisa ku aaddan xabbad-joojinta.

Tan iyo 24-kii Febraayo 2022, Ruushka ayaa duullaan milatari ku hayey deriskiisa Yukrayn, isagoo shuruud uga dhigay joojinta dagaalka in Yukrayn ay ka tanaasusho ku biirista ururrada milatari ee reer Galbeedka, taas oo Kiev ay u aragto "faragelin" lagu hayo arrimaheeda gudaha.

Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us