TURKIGA
1 daqiiqo akhris
Turkiga oo ka tacsiyeynaya dadkii ku dhintay weerarka lagu qaaday dugsi ku yaal dalka Austria
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in ay si dhow ula xiriirayaan masuuliyiinta Austria si loo ogaado in muwaadiniin Turki ay waxyeello ka soo gaartay dhacdada.
Turkiga oo ka tacsiyeynaya dadkii ku dhintay weerarka lagu qaaday dugsi ku yaal dalka Austria
Ankara ayaa sheegtay inay si dhow ugala shaqeyneyso mas’uuliyiinta Austria. (Sawirka: AA) / AA
11 Juun 2025

Dowladda Turkiga ayaa ka tacsiyeysay weerar toogasho oo dhimasho sababay oo ka dhacay iskuul ku yaalla magaalada Graz ee dalka Austria, iyadoo tacsi u dirtay qoysaska dhibbanayaasha iyo shacabka Austria.

“Waxaan aad uga naxnay dhacdada murugada leh ee toogashada oo maanta (10-ka Juun) ka dhacday iskuul ku yaalla Graz, Austria,” ayaa lagu yiri bayaan Talaadadii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Ankara ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqeynayaan mas’uuliyiinta Austria si loo ogaado in muwaadiniin Turki ah ay ku waxyeeloobeen weerarka.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska dadkii ku naf waayey weerarkan, iyo sidoo kale shacabka Austria, intii ku dhaawacanteyna waxaan u rajeyneynaa in ay si degdeg ah u bogsadaan,” ayaa lagu sii daray bayaanka.

XIGASHO:TRT World and Agencies
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us