Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku tilmaamay wadahadalladii ugu dambeeyay ee dhexmaray Ruushka iyo Ukraine ee ka dhacay magaalada Istanbul “guul muhiim ah,” inkasta oo weerar ay Ukraine u adeegsatay diyaarado aan duuliye lahayn uu ka dhacay gudaha Ruushka maalintii ka horreysay.
Isagoo la hadlayay weriyeyaasha shirka golaha wasiirrada kadib, Erdogan ayaa sheegay in rajadiisa ugu weyn ay tahay in uu magaalada Istanbul ama Ankara ku kulmiyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy.
Wuxuu intaas ku daray: “Xitaa waxaan jeclaan lahaa in aan Trump la imaado.”
Hadalkan ayaa yimid iyadoo wafdiyo ka kala socday Ruushka iyo Ukraine ay kulan labaad ku yeesheen magaalada Istanbul, waxaana Erdogan uu ku tilmaamay wadaxaajoodyadaas "horumar muhiim ah" xilli ay weli taagan tahay xiisadda milatari ee labada dal, gaar ahaan weerar habeen hore ay Ukraine ku qaaday gudaha Ruushka, oo ay ku adeegsatay 162 diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo lagu beegsaday in ka badan 40 diyaaradood oo ciidan ah, oo ay ku jiraan A-50, Tu-95, iyo Tu-22M3—diyaarado culus oo qaada hubka nukliyeerka.
Arrimaha Suuriya
Dhinaca kale, Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlayay xaaladda Suuriya ayaa sheegay in haddii Suuriya ay gaarto xasillooni iyo nabad, ay arrintaasi dan u tahay dhammaan dalalka dariska la ah iyo guud ahaan gobolka.
Erdogan ayaa soo dhaweeyay go’aanka qaar ka mid ah waddamada Yurub ay ku qaadeen in ay cunaqabateynta ka qaadaan Suuriya.
Sidoo kale wuxuu ku dhawaaqay in shirkadda diyaaradaha Turkishka ee AJet ay bilaabi doonto duullimaad joogto ah oo ay ku tagto Suuriya, halka shirkadda diyaaradaha Suuriya ee Syrian Airlines-na ay dhowaan duullimaadyo ku bilaabi doonto Turkiga.