CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Suudaan oo kala diray xukuumaddii ku-meelgaarka ahayd
Tan iyo 15-kii Abriil 2023, ciidamada gurmadka degdega ah ee RSF iyo militariga Suudaan ayaa dagaal ugu jira gacan-ku-haynta dalka, taas oo sababatay in kumannaan qof ay dhintaan, iyadoo malaayiin kalena ay barakaceen.
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Suudaan oo kala diray xukuumaddii ku-meelgaarka ahayd
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Suudaan, Kamil Idris. / Reuters
2 Juun 2025

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Suudaan, Kamil Idris, ayaa Axaddii kala diray xukuumaddii ku-meelgaarka ahayd, maalin kadib markii uu xafiiska la wareegay, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee dowladda Suudaan ee SUNA.

Kamil Idris, oo horey uga soo shaqeeyay Qaramada Midoobay, ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay Sabtidii, isagoo hortegay guddoomiyaha Golaha Sare ee Kumeelgaarka ahna taliyaha guud ee ciidanka Suudaan, Cabdulfataax Al-Burhaan.

Wuxuu sheegay in xoghayeyaasha guud iyo ku-xigeennada wasaaradaha ay sii wadi doonaan howlaha dowladda inta laga magacaabayo golaha wasiirada cusub.

Khudbaddiisii ugu horreysay ee uu dalka u jeediyo, Idris wuxuu sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay ilaalinta amniga qaranka iyo madax-bannaanida dalka, isagoo ballan qaaday in la cirib-tiri doono kacdoonka hubeysan iyo kooxaha fallaagada ah.

Tan iyo 15-kii Abriil 2023, ciidamada gaarka ah ee RSF iyo militariga Suudaan ayaa dagaal ugu jira gacan-ku-haynta dalka, taas oo sababatay in kumannaan qof ay dhintaan, iyadoo malaayiin kalena ay barakaceen. Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gudaha ayaa sheegay in in ka badan 20,000 oo qof la dilay, halka 15 milyan ay ku barakaceen gudaha iyo dibadda.

Idris wuxuu ugu baaqay dalalka taageera kacdoonka in ay joojiyaan maalgelinta iyo iskaashiga ay la leeyihiin, inkastoo uusan si gaar ah u magacaabin waddamo.

Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in uu ilaalin doono mabaadi’da caddaaladda, nabadda, xukunka sharciga iyo horumar waara, isaga oo carabka ku dhuftay in xukuumaddiisa ay dhex-dhexaad ka ahaan doonto siyaasadda dalka.

“Dhammaan dhinacyada siyaasadeed iyo kuwa qaran waxaan ula dhaqmi doonaa si siman, annaga oo ka fogaanayna eexda,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray inuu hormarin doono wada-hadal qaran oo dhex mara dadka reer Suudaan oo aan cidna laga reebin.

Ka hor magacaabistiisa, xilka raysalwasaaraha waxaa si ku-meelgaar ah u hayay Daafalaax Al-Xaaj Yuusuf, oo horey u ahaan jiray safiirka Suudaan ee Sacuudi Carabiya.

Sanado badan, wasaaradaha Suudaan waxaa maamulayay wasiirro si ku-meelgaar ah loo magacaabay iyo xubno weli xilka haya tan iyo heshiiskii wadaagista awoodda ee 2021-kii oo u dhexeeyay rayidka iyo militariga.

Suudaan waxay weli wajahaysaa qalalaase siyaasadeed oo qoto dheer tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii muddada dheer xukumayay, Cumar Al-Bashiir, bishii Abriil 2019, kaddib mudaharaadyo ballaaran iyo afgambi militari.

XIGASHO:AA
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us