Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa hambalyada Ciidda Udxiyada u diray dhammaan Muslimiinta caalamka, isagoo muujiyay taageero uu la garab taagan yahay shacabka Falastiin iyo bulshooyinka kale ee ay saameeyeen colaadaha.
"Anigoo ku hadlaya magaca dalkeyga iyo shacabkeyga, waxaan si xushmad leh u salaamayaa walaalaheenna reer Falastiin ee si sharaf leh uga hortagaya xadgudubyada Israa’iil, isla markaana halgan geesinimo leh ka wada Qaza iyo dhulka la haysto," aayuu Erdogan ku yiri farriin muuqaal ah oo uu diray Khamiistii.
Sidoo kale, wuxuu u duceeyay dadka ku naf waayay duqeymaha Qaza, isagoo yiri: "Waxaan si naxariis leh u xusayaa dhammaan walaalaha Qaza ee ku shahiiday weerarrada naxariisdarrada ah, waxaana u rajeynayaa bogsasho degdeg ah kuwa ku dhaawacmay."
Erdogan ayaa rajo ka muujiyay in colaadaha iyo xasillooni darrida ka taagan gobollada ay colaaduhu saameeyeen oo ay ku jiraan Qaza, Suudaan iyo Soomaaliya ay dhawaan soo afjarmi doonaan.
"Tallaabo taariikhi ah oo lagu joojinayo dagaalka dhiigga badani ku daatay"
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa markale xaqiijiyay in Turkiga ay ka go’an tahay joojinta dagaalka ka socda Falastiin, isagoo yiri: "Waxaan sameyneynaa wax walba oo karaankeenna ah si aan u joojino xasuuqa ka socda Falastiin iyo si dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Yukreyn uu ugu dhammaado nabad cadaalad ku dhisan."
Isagoo tilmaamaya dadaallada diblomaasiyadeed, Erdogan wuxuu xusay kulan dhawaan ka dhacay Istanbul Isniintii, 2-dii Juun, isagoo ku tilmaamay "tallaabo taariikhi ah oo lagu soo afjarayo dagaalka dhiigga badan ku daatay ee galay sannadkiisii afaraad."
Erdogan oo soo hadalqaaday dalka dariska ah ee Suuriya, ayaa sheegay in Turkigu soo dhaweynayo dadaallada uu wado maamulka cusub ee dalkaas, isagoo taageeray himilooyinka Suuriya ee ku aaddan midnimada qaran, madaxbannaanida dhuleed, iyo horumar waara.
"Annagoo kaashaneyna dhammaan dalalka walaalaha ah ee gobolka, waxaan rumeysannahay in Suuriya ay heli doonto nabad waarta oo ay dib ugu hanan doonto karaamadii iyo sharaftii ay lahayd," ayuu ku daray.