Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta oo Jumce ah hambalyo u diray shacabka dalkiisa iyo Muslimiinta caalamka munaasabadda ciidda barakaysan ee Ciidul Adxaa.
Erdogan, oo qoraal soo dhigay barta X, ayaa u rajeeyey ummadda in ay u noqoto mid kheyr iyo baraare u soo hoyisa "dalkeenna, shacabkeenna, iyo guud ahaan aadanaha."
Wuxuu sidoo kale hambalyo ku aaddan munaasabadda ciidda u diray dhammaan muwaadiniinta Turkiga iyo "saaxiibbadeenna" ku kala sugan daafaha dunida, oo ay ku jiraan dadka reer Qaza iyo Falastiiniyiinta.
Ciidul Adxaa waxay xusuus u tahay diyaar u ahaanshihii Nabi Ibraahim (CS) inuu wiilkiisa u bireeyo fulinta amarka Alle, ka hor intaan Alle ugu beddelin wan si uu u qalo.
Muslimiintu waxay xoolo u qalaan si ay u xusaan dhacdadan, hilibkana waxay la wadaagaan masaakiinta iyo qaraabada.
Ku dhowaad 2 milyan oo xujey ah ayaa sii wada gudashada waajibaadka Xajka maalinta 1aad ee Ciidda Udxiyada
Ku dhawaad 2 milyan oo xujey ah ayaa subaxnimadii Jimcaha bilaabay tuurista dhagxaanta Jamaratka, taasoo astaan u ah maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, ahna mid ka mid ah cibaadada muhiimka ah ee xajka iyagoo ku sugan Mina, galbeedka Sacuudiga.
Kadib marka ay soo gabagabeeyaan dhagax-tuurka Jamarat Al-Caqaba, xujeydu waxay sii wataan cibaadooyinka kale ee Ciidda, oo ay ku jirto qalitaanka xoolaha, taasoo calaamad u ah bilowga afarta maalmood ee Ciidul Adxaa.
Xujeydu waxay ku sii nagaan doonaan Mina inta lagu jiro saddexda maalmood ee Tashreeq (Sabti ilaa Isniin), iyagoo sii wada cibaadada dhagax-tuurista.
Masuuliyiinta arrimaha xajka u qaabilsan Boqortooyada Sacuudiga ayaa Khamiistii shaaciyey in xujeydu ay si habsami leh u gaareen Buurta Carafa, iyadoo la adeegsanayo nidaamyo casri ah oo ku salaysan garaadka macmalka ah (AI).
Mawsimka xajka oo soconaya muddo lix maalmood ah ayaa bilaabmay Arbacadii, waxaana lagu wadaa in acmaasha ugu dambeysa la dhameystiro Isniinta caadooyinka ugu dambeeya la dhammeystiri doonaa Isniinta.
Hay'adda Tirakoobka Guud ee Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in tirada xujeyda sanadkan 1446 Hijri ay gaarayaan 1,673,230 qof, kuwaasoo ay ku jiraan 1,506,576 oo ka yimid dibadda boqortooyada Sucuudiga. Tirada xujeyda gudaha, oo iskugu jira muwaadiniinta Sacuudiga iyo dadka ajnabiga ah ee dalka deggan, ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan 166,654 qof.
Sanadkii hore, in ka badan 1.8 milyan oo Muslimiin ah oo ka kala yimid 200 oo waddan ayaa gutay waajibaadka Xajka.
Xajku waa tiirka shanaad ee diinta Islaamka, kaasoo Muslim kasta oo awoodi kara dhaqaale ahaan uu hal mar noloshiisa guto.
Xajka wuxuu ka kooban yahay cibaadooyin badan oo muujinaya mabaadi'da aasaasiga ah ee Islaamka iyo xusuusta imtixaannadii Nabi Ibraahim (CS) iyo qoyskiisa.