Milatariga Suudaan ayaa ku eedeeyay ciidamo daacad u ah taliyaha milatariga bariga Liibiya, Khalifa Xaftar, inay Talaadadii weerareen saldhigyo ku yaalla xuduudka Suudaan, taasoo ah markii ugu horreysay ee ay Suudaan si toos ah ugu eedeyso deriskeeda waqooyi-galbeed inuu ku lug leeyahay dagaalka laba sano jirsaday ee ka socda dalkaas.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada milatariga Suudaan iyo maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah ee RSF, oo sidoo kale lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin weerarka, ayaa soo jiitay faragelinta dalal shisheeye oo dhowr ah. Dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayay in nabad lagu soo dabaalo ayaa ilaa hadda laga gaarin wax guul ah.
Suudaan ayaa horaantii dagaalka ku eedeysay Khalifa Xaftar oo ka soo jeeda bariga Liibiya inuu taageero siiyo maleeshiyaadka RSF-ta isagoo hubka u gudbiya. Sidoo kale, Suudaan waxay muddo dheer ku eedeyneysay xulafada Xaftar, sida Imaaraadka Carabta, inay taageero siiyaan maleeshiyaadka RSF, oo ay ku jirto duqeymo toos ah oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay fuliyeen bishii hore. Balse Imaaraadka Carabta ayaa beeniyay dhammaan eedeymahaas.
Masar, oo iyaduna taageertay Xaftar, ayaa muddo dheer taageero u muujinaysay ciidamada milatariga Suudaan.
‘Waan guuleysan doonaa’: Milatariga Suudaan
Bayaan ay soo saareen, ciidamada milatariga Suudaan ayey ku sheegeen in weerarku ka dhacay saddex-geesoodka xuduudka Liibiya-Masar-Suudaan, oo ah aag dhanka waqooyi kaga beegan mid ka mid ah furimaha dagaalka ugu waaweyn, gaar ahaan magaalada al-Fashir, ee caasimadda Waqooyiga Darfur.
Ciidamada Xaftar ayaan weli wax jawaab ah ka soo saarin eedeymahaas.
"Waxaan difaaci doonnaa dalkeenna iyo madaxbannaanideenna qaran, waana guuleysan doonaa, iyadoon loo eegin heerka shirqoolka iyo gardarrada ee ay taageerayaan Imaaraadka Carabta iyo maleeshiyaadkooda gobolka," ayaa lagu yiri bayaan ay so saareen ciidamada milatariga Suudaan.