SIYAASADDA
4 daqiiqo akhris
Rwanda oo ku Baaqday in DR Congo ay wada-hadal la gasho fallaagada M23 Xilli ay ku sii Fidayaan Gobolka Koonfur Kivu
Rwanda ayaa iska fogeysay eedeymaha sheegaya in ciidamadeedu ay taageero siinayaan howlgalada maleeshiyaadka M23 ay ka wadaan Magaalada Goma ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC). M23 ayaa dagaal cusub ka billaabay Koonfur Kivu, iyagoo la wareegay gacan ku heynta laba degmo.
Rwanda oo ku Baaqday in DR Congo ay wada-hadal la gasho fallaagada M23 Xilli ay ku sii Fidayaan Gobolka Koonfur Kivu
Sarkaal sare oo reer Rwanda ah ayaa wakaaladda AFP u sheegay in fallaagada M23 aysan ku ekaan doonin magaalada Goma oo keliya, balse ay sii wadi doonaan dagaalka ilaa bariga DRC iyo meelo kale oo dheeraad ah. /Sawirka: AFP
1 Febraayo 2025

Rwanda, oo horey loogu eedeeyay in ay taageerto M23, ayaa kubaaqday xabbad-joojin guud oo ka dhaqan-gasha bariga DRC, iyagoo sidoo kale ku boorriyay xukuumadda Kinshasa in ay wada-hadal la furto fallaagada, inkasta oo ay beenisay in ciidamadeedu ay dagaalka ku lug leeyihiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Rwanda, Olivier Nduhungirehe, ayaa Arbacadii u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inuu joogsaday dagaalkii ka socday gudaha Goma, maadaama ay hadda gacanta ku hayaan fallaagada M23. Dadka magaalada Goma ayaa sheegay in la maqlayo rasaas goos-goos ah.

"Rwanda waxay taageersan tahay in xabbad-joojin laga hirgeliyo gobolka oo dhan, gaar ahaan (Bariga Congo), isla markaana la bilaabo wada-hadal, taas oo aan muddo dheer dalbaneynay in ay dhex marto Congo iyo M23"

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Rwanda, Olivier Nduhungirehe

Dowladda Congo ayaa ku eedeysay Rwanda in ay taageerto M23, ayna gacan ka siisay qabsashada Goma, oo ah magaaladaugu weyn bariga Congo. Balse Rwanda waxay ku adkeysatay in ciidamadeedu aysan xuduudda ka gudbin, ayna difaac uun sameynayaan.

Fallaagada M23 ayaa isla Arbacadii u dhaqaaqay dhinaca koonfureed, iyagoo ka soo tallaabay Goma una sii jeeda Bukavu, ee caasimadda gobolka Koonfur Kivu, taasoo u muuqata isku day ay ku ballaarinayaan dhulka ay xukumaan.

Mudane Nduhungirehe ayaa sheegay in luminta gacan ku haynta Goma ay wiiqday awoodii Madaxweyne Félix Tshisekedi, ayna tahay in uu wadahadal la galo fallaagada

"Hadda Goma waa la qabsaday, waana in xal laga gaaraa, wadahadalkuna waa fursadda kaliya ee hartay," ayuu yiri, isagoo ku adkeystay in Rwanda aysan weligeed taageerin xal milatari.

Congo oo Diiday Wada-Hadalka

Dowladda Congo waxay M23 u aqoonsan tahay koox argagixiso ah, mana dooneyso in ay si toos ah ula xaajooto. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Congo, Therese Kayikwamba Wagner, ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay cunaqabateyn ku soo rogaan Rwanda.

Dagaalka ka socda bariga Congo, oo ay ku badan yihiin macdanta qaaliga ah, wuxuu cirka isku shareeray kaddib markii ay burbureen wadahadallo nabadeed oo u dhexeeyay Congo iyo Rwanda bishii Diseembar.

Rwanda waxay ku doodaysaa in dagaalka uu salka ku hayo colaad qowmiyadeed oo u dhaxeysa Hutu iyo Tutsi, ayna jiraan dad ka qeyb qaatay xasuuqii Rwanda 1994-kii oo u baxsaday Congo, halkaasoo la sheegay in ay taageero ka helaan ciidamada Congo.

Fallaagada M23 oo isa sii Ballaarinaya iyo Walaaca oo sii Kordhaya

Fallaagada M23 ayaa subaxnimadii Arbacada waxay si fudud ula wareegeen magaalooyinka Kiniezire iyo Mukwidja oo ka tirsan Koonfur Kivu, sida ay xaqiijiyeen ilo maxalli ah iyo dad deegaanka ah.

Magaalada Bukavu ayaa la filayaa in ay halis gasho haddii M23 ay jebiso difaaca ciidamada DRC ee magaalada Kavumu, halkaasoo saldhig weyn uu ku leeyahay milatariga Congo.

Sarkaal sare oo reer Rwanda ah ayaa wakaaladda AFP u sheegay in fallaagada M23 aysan ku ekaan doonin magaalada Goma oo keliya, balse ay sii wadi doonaan dagaalka ilaa bariga DRC iyo meelo kale oo dheeraad ah.

Baaqyo Xabbad-Joojin iyo Wada-Hadal ah

Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika (EAC) ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, kuna booriyey xukuumadda Kinshasa in ay si toos ah wadahadal ula furaan dhammaan dhinacyada ay quseyso, ayna ku jirto Fallaagada M23.

Shir gaar ah oo ku qabsoomay fogaan arag ah oo ay marti-gelisay Kenya ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Paul Kagame, halka Madaxweyne Tshisekedi uu doorbiday in uu u safro Angola si uu ula kulmo dhiggiisa Joao Lourenco.

Madaxweyne Lourenco wuxuu ugu baaqay Rwanda in ay ciidamadeeda kala baxdo Congo, wuxuuna soo jeediyay shir degdeg ah oo ay labada dal ku yeeshaan Luanda si xal looga gaaro dagaalka.

Dhanka kale, Madaxweyne Tshisekedi ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay "aamusnaanta" beesha caalamka ee ku aaddan colaadda sii xumaaneysa, isagoo ka digay khatar hor leh oo ka dhalan karta gobolka.

Dalka Turkiga ayaa sidoo kale muujiyay diyaar u ahaanshihiisa dhexdhexaadinta labada dal, kaddib markii ay burbureen wadahadalladii Angola ee bishii Diseembar.

Gobollada Waqooyi iyo Koonfur Kivu, oo ah kuwa hodanka ku ah macdanta sida dahabka iyo coltan-ka, ayaa xuddun u ahaa colaadaha ka socday Congo in ka badan 30 sano, kuwaasoo ay ku lug lahaayeen kooxo hubeysan oo tiro badan.

XIGASHO: TRT World iyo Wakaaladdaha Wararka

XIGASHO:TRT World
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us