Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeymo cusub ka fuliyay magaalada Sweida ee koonfurta Suuriya, sida ay ku soo warrantay warbaahinta Suuriya.
Wakaaladda wararka ee dowladda Suuriya, SANA, ayaa sheegtay in weerarka oo dhacay fiidnimadii Khamiista lagu bartilmaameedsaday duleedka magaalada, iyadoo aan faahfaahin laga bixin khasaaraha dhaawac ama burburka ka dhashay.
Weerarkan cusub ayaa yimid maalin kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya ay xaqiijisay heshiis xabbad-joojin cusub oo lagu soo celinayo maamulka gobolka koonfureed ee Sweida oo hoos yimaada dowladda dhexe.
Israa’iil ayaa sheegtay inay bartilmaameedsaneyso caasimadda Dimishiq, Sweida, iyo Darca, iyadoo ku andacoonaysa inay difaaceyso bulshada Druze ee halkaas ku nool.
Mareykanka oo ka hadlay duqeymaha Israa’iil
Dhanka kale, Mareykanka ayaa Khamiistii sheegay inuu ka soo horjeedo weerarada Israa’iil ee Suuriya, maalin kadib markii Washington iyo Ankara ay ka shaqeeyeen heshiis lagu soo afjarayo rabshadaha.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Tammy Bruce, ayaa u sheegtay warbaahinta, "Mareykanku ma taageerin weeraradii ugu dambeeyay ee Israa’iil." Waxay intaas ku dartay, "Waxaan si diblomaasiyadeed ula shaqeyneynaa Israa’iil iyo Suuriya heerarka ugu sarreeya si aan u xallino xiisadda hadda jirta oo aan u gaarno heshiis waara oo dhexmara labada dal ee madaxbannaan."
Waxay diiday inay sheegto haddii Mareykanku uu Israa’iil u muujiyay sida uu uga xun yahay ama haddii uu ka soo horjeedo weeraro mustaqbalka ah oo ka dhan ah Suuriya.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa muujiyay walaac markii wax laga weydiiyay weerarada Israa’iil, oo ay ku jiraan weerar lagu qaaday Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dimishiq. Wuxuu markii dambe soo saaray bayaan aan si toos ah u xusin weerarada Israa’iil balse ka hadlay guud ahaan rabshadaha ka jira gobolka.
Israa’iil ayaa sheegtay inay faragelin ku sameyneyso si ay u difaacdo bulshada Druze kadib isku dhacyo beeleed.
Israa’iil ayaa si joogto ah u weeraraysay Suuriya tan iyo markii xukunka laga tuuray nidaamka Bashar al-Assad.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo Khamiistii khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa garab istaagay Turkiga iyo Sacuudiga si loo xoojiyo xiriirka Suuriya oo uu hoggaaminayo hogaamiyaha cusub, Ahmed al Sharaa.